Wararka Wargeyska OGAAL, Caddadkii Maanta, Isniin, 29 Oct.

 “M/Weynuhu wuxu yidhi arrinta Burco intan way ka balaadhantahay waanan dhamays tirayaa”“Ururka Qaran isku magacaabay maaha inuu ka sheekeeyo arrin aanu lug iyo awr toona ku lahayn, waxaanan u arkaa Dhidar xabaalo qodaa Qudhunbuu uga dhacaa,”  Wasiirka Warshadaha

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wersheddaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamuud, oo xalay xafiiska Wargeyska Ogaal nagu soo booqday, ayaa sheegay in ay nasiib-darro tahay markii saxaafadda ku arkay warar ka hadlaya arrintii shaqaaqada Burco, oo uu ku tilmaamay mid aan u baahnayn in la qod-qodo oo si wanaagsan u dhamaatay.

Wasiirka oo sheegay inuu isagu ku hawlanaa xalinta amuurtaas, waxa uu soo-hadal qaadkeeda ku tilmaamay in la buun-buuninayo wax aan jirin. Isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay in guud ahaanba wixii halkaa (Burco) ka dhacay la soo gebogabeeyay. “Waxaan nasiib-darro ah in aan ku arkayay warbaahinta, arrin anigu aan ku hawlanaa oo Burco ka dhacday, taasoo aad moodo in si aan jirin loo buun-buuninayo, arrintaasina aad iyo aad bay uurku-taalo iigu samaysay. Waayo meesha wax wanaagsan baa ka dhacayoo dhibaatadii meesha ka dhacday waa la soo af-jiray, si fiican baanay noogu dhamaatay,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray, “Markaa waxaan arkay dadka arrintaas sii hadal-haya, inaan loo baahnayn wax qod-qod iyo dadka in la sii kala fogeeyo.” “Rag xil-kas ah oo wadankan iyo ummaddan uu xilna ka saaran yahay, una damqanaya ayaa hawshan gacanta ila saaray. Hawshiina is-afgarad iyo wanaag baan ku soo dhamaynay, in maanta waxaan jirin laga sheeg-sheegaana waxay ila tahay in qof dalka iyo ummaddan aan wanaageeda jecelayn ayuu u muuqanayaa, Waxaan kaloo aan arkay iyaga oo Urur-siyaasiga yidhi qaran baa nala yidhaahdo, inkastoo sharciyadiisii iyo wixii hadal ka taagan yahay iyo muran, in uu Qaran uu ka sheekeeyo arrin aanay Awr iyo Lugtoona ku lahayn waxay iigu muuqataa mid khalad ah. Taasina waxay igu noqotay dee Dhidar xabaalo qoday qudhun buu uga dhaadhacaa. Waxaan odhan lahaa ama Qaran ha ahaato, ama cid kasta oo amuurtan ka hadashay ha ahaato’e, in aanay wax aanay waxba ka ogayn ka hadal. Waxaan mar kale u sheegayaa oo ku celinayaa, aniga oo kalsooni buuxda ku qaba oo aan wax mugdi ahi igaga jirin, oo arrinta gunteeda iyo sheekeedaba aan ogaa in Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxdii kale ee aanu arrintaa isaga aragnay, in ay arrintaasi ay sidii ay ahayd uga hawl-galayaan, dhamaystirkeedana uu Madaxweynuhu uu qaaday, oo uu doonayo ilaa iyo gebo-gabadeeda arrintaas oo muddo soo noqnoqnaysay oo Madaxweynaha iyo dawladuba ka warhaysay in dhamaystir wanaagsan uu Madaxweynuhu u qorsheeyay, hawsheediina uu gacanta saaray, cida arrintaa qod qodana waxaan u arkayaa in dadkii wanaaga iyo walaal-nimada laga dhex abuuray iyo Gobolkii mashaqada iyo shaqaaqada laga damiyay-na ay u samaynayaan Nabaro la damqayo” sidaa ayuu yidhi Maxamed Saleebaan. Islamarkaana waxa uu soo jeediyay in laga howlgalo arrinta Gobolka Sool. Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Wadanka hiilkiisu wuxuu ku jiraa xaalada maanta uu dalku ku siman yahay, ee ah xuduudkeenii oo la doonayo in la sugo, cadow na soo weeraray, dadkeenii uu dhiiga, dhulka iyo dhaqankuba innaga dhexeeyeen oo isir ahaan qoorta layskaga duuduubay oo maanta laga furfuray in amuuraha caynkaas ah lagu hawlnaado oo aynu xooga saarno, ayaan anigu u arkaa. Wax alla wixii inaga jeedinaya ee waxa aan jirin innaga abuurayaana ay tahay dhibaato ay wadaan cid aan wadan ka naxayn. Markaa waxaan odhan lahaa maanta waxa loo baahan yahay in ciidamada Qaranka iyo hogaanka dawlada, iyo siyaasada iyo himilada qorshaysan ee lagu doonayo in lagu sugo xuduudkeenii, dalka midnimadiisa in loo guntaddo ayaan filayay, ee in la qodo xabaalo oo arrimo dhibaato kolba saaxada la keeno, arrintaasi waxay iigu muuqataa nasiib-darro aad iyo aad aan uga xumahay.”

Intaa ka dib waxa Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyay Wasiirka Arrimaha uu ka hadlay, su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay-na waxay u dheceen sidan:

S: Guddidii u socotay shaqaaqada Burco ee marka hore u soo balan-qaadeen ee cuqaasha  ahayd waxa la sheegay inay dib u noqdeen markii xukuumadu waxba ka qaban wayday arrintii, taa miyaad dedafaynaysaa?

J: Anigu guddiga halkan timi, markii horena iga daba-kaalaya maan odhan, markii halkan aan imina, cid tidhi ha yimaadeen oo u yeedhay may jirin. arrintii Burco ka dhacday iyo go’aamadeedii Madaxweynaha ayaan u dhiibay, wuuna ila qaatay, sidii heshiisku ahaana waxa uu igu yidhi arrintu intan way ka sii qoto dheer tahay oo way ka sii fog tahay, hawshaasna wadadaasaa loo marayaa. Waxaan doonayaa wixii jiray uun in laga wada bogsado oo aan dhinacyadii oo dhan isu wada keeno, arrintaana laga wada bogsado, arrintaana aniga oo wadadaa u maraya aan iminka Burco kaga imi in aan ku dhamaystiro oo ay noqoto arrin aynu mar ka wada faro-xalanay, go’aankiina uu sidii ahaado. Laakiinse inta laga sal balaadhiyo may ahayn. Arrintu may ahayn in Station-ka Burco oo keliya ka dhacay way ka sal-balaadhnayd, wixii laysku hayayna wax caynkaas u sii ridan may ahayn, madaxweynuhuna wuu ka war-hayaa, waxa isna jiray aqal ay isna Hay’adi ku jirtay oo mashkiladi ka dhacday. Markaa hawlaha noocaas oo kale ah in mar kaliya la wada xaadho oo laga fara-xasho, qorshaheedii iyo nidaamkeediina madaxweynuhu wuu galay, sidaasaanuu ku qaatay oo arrintu ku fulaysaa.

S: Wadada  loo marayo ee Madaxweynuhu kuu sheegay  waa tee?

J: wadada loo marayaa waxa gacmo qabow baa lagu qabanayaa. Is-er-eryad dambe in aanu dhicin, wixii laysku hayay iyo wixii khilaafku uu ahaan in la soo af-jaro. Sidii aanu Burco ku soo wada-hadalay ee reerka Odayaashiisii iyo Beel-wayntii iyo gobolkii Burco dadkii ku wada noolaa in hawsha sidaas lagu soo dhameeyo oo hawshii halkaas lagu soo af-jaro sidaas ayaanu ku soo heshiinay.

S: Ka Wasiir ahaan waxay sheegeen ururka Qaran inaad hawshii ka baxday, isla-markaana Madaxweynuhu ku wareejiyay cid kale oo ka tirsan xukuumada, arrintaas bal ka waran iyada?

J: Qaran wax xidhiidh ah oo naga dhexeeyaa iyo wax aan u sheegay midna ma jiro, cid qaran oo aniga I waraysatay ma jirto, qarana maaha cod dadku lagu baahiyo, ee waxaan u arkaa urur sharciyadiisiina layskuba haysto ayaan u arkaa, wax aniga ay iga waydiiyeen, waxa hadal iyo ka hadal ah oo aanu arrintaa haba yaraatee ka yeelanay cid Qaran ah iyo cid kale oo jirtaa ma jirto. Laakiinse, amuurtii Madaxweynahaygii ayaan uga waramay, madaxweynahaygii baan farta ka saaray, waanuu igu hambalyeeyay, wuxuu yidhi hawshan intii hadhsanaydna anaa dhamaystiraya hawsheedii iyo qorsheheediina wuu wadaa madaxweynuhu.

S: Muddo intee leeg bay qaadanaysaa bay kula tahay, dadkii dhaymo iyo wax bay u baahan yihiin, lagumana noqon baa la leeyahay?

J: Kuma odhan karo intaa muddo le’eg bay qaadanaysaa. Laakiinse, arrintu arrin qiimaheeda iyo qadarinteeda leh bay ahayd, Madaxweynuhuna sidii ay ahayd buu u qaatay. Waad ka war-haysaa oo iminka cadow baa inoo soo miciyo lisanaya in ay arrintaasi wax yara hadhayso waa wax suuro-gal ah. Laakiinse arrintaas Madaxweynahaa gacanta ku haya, waanuu ku hawlan yahay, wanaan hubaa inuu wax ka qabanayo.

S: waxa jira odayaasha ay ka midka yihiin Xaaji Maxamuud iyo Maxamuud Cabdi Jibriil miyaanay ka mid ahayn odayaashii aad soo wada-hadasheen isla-markaana aad ku balanteen in arrintaas la dhamaynayo, markii dambena aad u sheegtay in arrintii lagaa wareejiyay, miyaanay taasi jirin?

J: Waxbaan hayay oo layga wareejiyay arrintu may ahayn, waxay ahayd arrin baan soo qabtay, dawladaan u keenay, madaxweynihii baan u keenay, madaxweynuhu wuxuu yidhi arrintu intaa way ka balaadhan tahay oo waan dhamaystiraynaa, intii aan go’aan soo qaatayna wuu qaatay, ee cid wax iga wareejisay iyo cid wax lagu wareejiyay midna ma jiro. Ta labaad dadka ma wixii aanu Burco isku soo aragnay ee aanu soo wada hadalay, mise dadkii Hargeysa joogay ee aan ugu imi. Dadkii aanu Burco ku soo wada-hadalay ee aanu soo heshiinay dee odayaashii bay qaar joogaan. Waad waraysan kartaan Maxamed Daahir oo ah Chief Caaqil-ka beelwaynta Galbeedka Burco, oo raggii gacanta aad iyo aad ugu lahaa hawshaa, isku hawlay ee habeen iyo maalin u tafo-xaydnaa ee igala shaqeeyay ee isaga ay ahayd ee u sugan tahay libta iyo mahada ugu balaadhani hawshaa wixii uu ka qabtay ayaa caawa (Xalay) Hargeysa jooga, waad waraysan karaysaan. Cidii aanu Hargeysa isugu nimi ee aan arrinta sida wax looga soo qaybtay iyo siday u soo socotay ogayn kuwaa warkooda ma hayo.

 

Xabsiga Mandheera: Kulankii shalay ee suxufiyiinta iyo Madaxda ururka Qaran

“Madaxweynuhu Dastuurka inta uu jecelyahay uunbuu labadiisa indhood ku arkaa, wixii aanu ogolayna ill kaliya ayuu ku arkaa” Dr, Gaboose

“Waa ayaan daro in gabadhii qaramada midoobay ka socotay ee xuquuqal insaanka la mastaafuriyo” Maxamed Xaashi

“Saleebaanoow safar dibadeed-baan u baxayaa oo danbe lagaa yeeli maayee. Dalka hay’adii ugu saraysay baad fadhidaa cid-baana dalka qasaysee..” Jamaal Caydiid

Hargeysa (Ogaal)- Shalay waxa booqday Xabsiga Mandheera ee ay ku jiraan hogaamiyayaasha Urur siyaasadeedka muranku ka taaganyahay ee Qaran Dr, Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, suxufiyiin ka kala socotay warbaahinta madaxa banaan ee dalka gaar ahaan, idaacada Radio Horyaal iyo Tv-ga Hargeysa CTV.

Liibaan Maaweel Shire oo ka mid ahaa suxufiyiintaasi ayaa warbixintan ka diyaariyay.

“Waxay shalay oo bishu ahayd 28- kii October, xabsiga Mandheera ku sadex bilood jirsaday hogaamiyayaaha Urur siyaasadeedka Qaran, ka dib markii 28-kii bishii July ee sanadkan ay ciidamada Bolisku ka soo taxaabeen guryohooda Hogaamiyayaasha Ururka Qaran, islamarkaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera oo ka tirsan Gobolka Saaxil, halkaasoo Maxkamada Gobolka Hargeysa oo loogu geeyay xukun ay si weyn uga biyo diideen ku riday.

Waxaanu ahayn sadex wariye, waxana igu weheliyay socdaalka Cabdiraxmaan Muuse Cumar iyo Axmed Xuseen Warsame. Islamarkii aanu gaadhnay xabsiga maadaama aanu sidanay ogaalaanshaha taliska ciidanka Asluubta oo shardi ay tahay hadii aad booqanayso xubnahan inaad ka sii qaadato, lanagama waabin. Taliyaha xabsiga oo si uu u hubiyo qoraalka ilaaladu noo gudbiyeen ka dib,

Si taxadar iyo fiiro u muuqatay ayaa lanoo baadhay, ka dib waxa xafiiska taliyaha lanoogu keenay Dr, Gaboose, Maxamed Xaashi Iyo Jamaal Caydiid.

Waxay u muuqdeen niman aanay ishoodu ku didinayn, caafimaad ahaana wanaagsan. Islamarkaana waxa ay sheegeen inay ciidamada Ilaalada xabsigu si fiican ula dhaqmaan. Dhibaato kalena aanay qabin marka laga reebo xoriyad la’aanta. 

Hogaamiyayaasha Urur siyaasadeedka Qaran, waxa ay si adag u naqdiyeen qaabka xabsiga loogu soo gudbiyay, iyo garsoorka dalka oo ay sheegeen in ay isku milmeen hayada fulinta.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu si ba’an u naqdiyay waraysi Madaxweyne Rayaale siiyay dhawaan idaacada codka Maraykanka ee VOA, laanteeda af Soomaaliga, islamarkaana Madaxweynuhu ku sheegay in dalka Somaliland lagaga dhaqmo dastuurka dalka, wixii aanu u fasaxayna uu ka reebanyahay.

Isaga oo hadalkaa Madaxweynaha daba joogana Dr, Gaboose waxa uu yidhi. “Waxa nasiib daro ah in Madaxweynuhu Dastuurka inta uu jecelyahay uun uu labadiisa indhood ku arko, wixii aanu jeclayna ama ogolayna ee dastuurka ku jirana uu ill kaliya ku arko. Markaa waxaan leeyahay Madaxweynaha labadaada indhood ku eeg dastuurka Ilaahay-na labadaada Indhood ha tuso xaqa. Iyo dastuurka dalka”

Hogaamiyayaaha Qaran ee xabsiga ku jiraa, waxa ay mar kale si adag u diideen inay wax cafis ah soo weydiisanayaan Madaxweynaha. “In kasta oo xoriyadayadii maqan-tahay, oo aanu nahay naman la haystayaal ah. Hadana,  sidaan hore u sheegnay. Dalban mayno wax cafis ah, inta shacbigayagu xaqa ka garanayaana, waanu ku jiraynaa halkan. {Jeelka}.”  Sidaa waxa yidhi Dr, Gaboose, waxana uu ku celiyay inay u arkaan inaanay helin garsoor cadaalad ah.

Dr, Gaboose waxa kale oo uu ka hadlay aragtidooda ku wajahan howlgalka Gudiga Komishanka Doorashada oo uu sheegay in xeerka doorashada ee ay ku dhaqmaan yahay 14/2001 islamarkaana waxa uu sheegay in xeerkaas ay isbar-bar socdaan xisbi iyo urur. “Sidaa daraadeed, waxaan Komishanka leeyahay, xeerka aad ku dhaqantaan Golayaasha sharci dejinta u gudbiya oo meesha halaga saaro Ururarada ama dhinacyada oo dhan ugu baaqa in la sameeyo gudigii diiwaan gelinta ururada siyaasada. Waxaanan u arkaynaa inay ku deg-degeen hawsha ay iska bilaabeen iyadoo arrimuhu sidaa u cakiran-yihiin” ayuu yidhi Dr Gaboose 

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna arrimihii uu ka hadlay waxa ka mid ahaa arrinta ururada xuquuqal insaanka gaar ahaan dalada SHURO-NET, waxana uu u soo jeediyay xukuumada inay faraha kala baxdo, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi.”Waa ayaan daro in gabadhii qaramada midoobay ka socotay ee xuquuqal insaanka la mastaafuriyo. Markii danihii dawlada laga waayay. Arrintan SHURO-NET. Waxaanu u aragnaa, mid ka hor imanaysa xoriyaadkii aas-aasiga ahaa, Islamarkaana lagu bur-burinayo, Ururadii Xuquuqal Insaanka iyo Ururadii bulshada rayidka ahaa. Sidaa darteed waxaanu xukuumada leenahay, faraha ha kala baxdo ururada bulshada rayidka ah.”

Hogaanka Urur siyaasadeedka Qaran ee jira xabsiga Mandheera waxa ay hanbalyo u jeediyeen ciidanka Qaranku guusha ay ka soo hooyeen Gobolka Sool, hasa-yeeshee, waxay carabka ku dhufteen Dr, Gaboose iyo Eng, Maxamed Xaashi in guusha ciidanku gaadhay aanay bar-bar socon siyaasad lagu hananayo shacbiga Gobolka Sool islamarkaana wax loogu qabanayo, laguna dhisayo maamul isu dheeli tiran, oo bulshada Gobolka oo dhan wada kasban karaya. “Marka laga yimaado, shilimaadka ay wasaaradaha iyo hayadaha dawladu ay mushaharkooda Bilo u jarayaan, ma idiin muuqatay qorshe ay xukuumadu ugu talo gashay Gobolkaas xag dhaqaale iyo xag taakulayneedba?.” Su’aashaas ayuu waydiiyay wariyayaasha Maxamed Xaashi.

 Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa isaguna marka laga reebo arrimaha sharciga oo uu ku dheeraaday waxa uu soo qaaday hadal  Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ka jeediyay furitaankii kal-fadhigii 35-aad ee Golaha ee Sabtidii doraad, kaasoo uu ku tilmaamay mid aan dhab ka ahayn. “Gudoomiyaha Golaha Guurtidu, Kal-fadhigii hore markuu xidhmayay waxa uu dalka ka dhoofay iyadoo dalka khilaaf badani ka jiro. Waxana uu ka dhawaajiyay in khilaafkaa la soo af jaro lana wada hadlo. Maanta oo xaaladii hore  sidii u taagantahay, Islamarkaana ay soo kordheen xaalado kale oo colaadeed wakhtigan, ayuu mar kale ku celiyay in laga wada hadlo khilaafaadka gudaha xaaladaha soo kordhayna si midaysan loo wajaho. Markaa waxaan leeyahay, Saleebaanoow safar dibadeed-baan u baxayaa, oo danbe lagaa yeeli maayee. Dalka hayadii ugu saraysay ayaad fadhidaa cid-baana dalka qasaysee, arrimahan wax ka qabo.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

   

Shalay: Madaxweyne Rayaale iyo Shirgudoonada Baarlamanka oo kulan wada jir ah yeeshay

Hargeysa (Ogaal)- Shir gudoonka Labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) ayaa shalay kulan wada jir ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa la iskula meel dhigay in arrinta Gobolka Sool loo sameeyo Guddi Qaran oo ka kooban sadexda Gole Qaran iyo sadexda xisbi Qaran.

Kulankan oo shalay galinkii hore ka dhacay qasriga Madaxtooyada, Islamarkaana aan wax war ah oo rasmi ah laga soo saarin, waxa xogo u dhuun daloolaa tibaaxeen in Gudoomiyayaasha labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ay weheliyaan mudane Baashe Maxamed Faarax Gudoomiye ku xegeenka labaad ee Wakiilada iyo mudane Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) ay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale kaga wada hadleen sidii loo samayn lahaa gudi ka hawlsha arrimaha Gobolka Sool, sida dhaqaale ururin, taakulaynta shacabka, dib u dhis, Wacyi gelin iyo difaacba. Islamarkaana loogu samayn lahaa maamul isu dheeli tiran.  Xogohu waxay intaa ku dareen, in  Gudiga loo samaynayo Gobolka Sool ay isla qaateen Madaxweynaha iyo shirgudoonadu inuu noqdo mid ka kooban Golayaasha dawlada iyo axsaabta Qaranka.

Gudigan waxa la sheegay in la isla qaatay in dhinacyada ay khusayso oo dhami soo magacaabaan, maalmaha fooda inagu soo haya.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada mudane Baashe Maxamuud Faarax iyo wafti uu hogaaminayo oo sida la sheegay ay ka mid-yihiin. Wasiirada Caafimaadka, Waxbarashada, hawlaha guud iyo xubno kale kooban ayaa lagu wadaa inay maalinta barito ah u anba baxaan Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isagana la filayaa in maalinta Khamiista ah ee Todobaadkan uu socdaal caafimaad oo dalka dibadiisa ah u kicitimo.

Kulankan shalay dhex maray shirgudoonada Golayaasha Baarlamanka iyo Madaxweyne Rayaale waxa uu daba socdaa kulamo hore oo oo gooni gooni ahaa oo ay hore u yeesheen Madaxweyne Rayaale, hogaamiyayaasha xisbiyada iyo shirgudoonadu. Kuwaasoo lagaga wada hadlayay arrinta Gobolka Sool.

 ”Wuxuu noo sheegay Guddoomiyaha Guurtidu in aanay lahayn awooda Guurtidii la yaqaanay”

Hargeysa (Ogaal) Hogaanka ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Qaran, ayaa  kulan ay la yeesheen Gudoomiyaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ay ugu soo bandhigeen khilaafaadka dastuuriga ah ee ka dhexeeya iyaga iyo xukuumada.

Kulanka ay hogaanka Urur-siyaasadeedka Qaran la yeesheen Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu ka dambeeyay codsi ka yimi dhinaca Ururka Qaran sida ay sheegeen hogaankiisu, Kaasoo ay ugu gudbiyeen Guurtida in ay si wada jir ah uga wada-hadlaan khilaafaadka ka dhex-aloosan iyaga iyo xukuumada.

Kulankaas ka dib ayaa Maxamed Jaamac Axmed oo ka mid ah hogaanka Ururka Qaran ee meel gaadhka ah ayaa wariyayaal ka kala tirsan Wargeysyada Ogaal iyo Jamhuuriya waxa ka waydiiyeen waxyaabaha ay kala hadlayeen shirgudoonka Guurtida. waxana uu hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaanu ugu tagnay waxay ahayd shirgudoonka Guurtida inaanu kala hadalo dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanayd khilaafaadkayaga distooriga ah ee naga dhexeya annaga (Qaran) iyo xukuumada ama aan isku hayno, xaq-u-lahaanshaha furashada Ururo siyaasadeed, amaba dee ururkayagan Qaran la yidhaahdo ee aanu furanay, oo dooddiisu annaga iyo dawladda naga dhaxayso. Waxa kale oo aanu kala hadlaynay xadhiga aanaan geyin ee qayru-distooriga ee madaxdayadu ku xidhan tahay iyo weliba eheladooda oo qaar ka mid ah qaraabadooda la xidhay, iyo tabashooyin badan oo noocaa ku salaysan waxa ay fikir ahaan ka qabaan, oo Guurti ahaan arrintaa ka qaadaan karaan, talo ahaan waxay ka yeeli karaan. Waxa kale oo waxyaabaha aanu kala hadalay ka mid ahaa meesha ay ka taagan yihiin iyaga laftoodu ururkayaga Qaran distooriyan bal waxa ay ka qabaan. Waxa kale oo aanu kala hadalay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Burco iyo doorka ay Guurti ahaan ku yeelan karaan ama ka qaadaan karaan. Annaga oo u arkaynay in aanay arrintaa aad uga muuqan, runtiina ay ahayd arrin qariib ah oo Burco uga dhacday si lama filaan ah, markaa door muuqda oo wayn aanaan arkayn inay Guurtidu ku lahayd, una baahan arrin laga wada qayb-galo inay tahay. Waayo dhinicii kale way fuliyeen shuruudihii looga baahnaa. Laakiin, xukuumadu ilaa hadda balan-qaadkii ay samaysay sidii la rabay umuu shaqayn, umanuu fulin, arrintaasna waanu kala hadlaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Maxamed Jaamac, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxyaabaha kale ee aanu kala hadlaynay waxa ka mid ahaa arrimaha nabadgelyada. Horta runtii caalamka waxaynu u sheegnaa ama ka iibinaa inaynu nahay meel xasiloon oo degan oo nabadgelyo aad u fiican haysta. Laakiin, waxa halka ka jirta cadaalad-darro aad u wayn, waxyaabaha runtii cadowga u ah nabadgelyadana waxa ka mid ah cadaalad-darada. Markaa inay taasi keeni karto fowdo iyo qas hadaan cadaalad la helin, arrintaasina ay qayb muhiim ah ka tahay mushkiladaha hadda dalka ka jira, siiba xagga xukuumada had iyo jeer, arrintaasna waanu kala hadalay. Waxa kale oo aanu kala hadalay arrimaha midnimada ah ee wakhtigan loo baahan yahay oo ah inay xukuumadu ixtiraamto midnimada iyo jiritaanka umadda, sharci, distoorka iyo waxyaabaha noocaas oo dhan ah. Waxaanu kala hadalay oo kale inay fikir ahaan naga siiyaan waxay arrimahaas oo dhan ka qabaan. Maadaama oo Guurti ahaan doorkoodu uu yahay dhex-dhexaadin.”

Eng. Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay jawaabtii ay kala kulmeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Run ahaantii markii uu hadalka la wareegay Saleebaan waxa uu noo sharaxay kaalinta ama doorkooda Guurti ahaan, wuxuuna noo sheegay Guurtidu in aanay ahayn tii la yaqaanay wakhtigii 1993-97-kii, oo aanaan lahayn buu yidhi awoodahaa badan ee aad filaysaan, ee aanu nahay gole sharci ama gole baarlamaan oo kale. Awoodahooda ama doorkooda isaga oo ka hadlaaya waxa uu noo sheegay in awoodahooda ama shaqadooda ugu wayni ay ka mid tahay kordhinta doorashooyinka, kordhini hadday meesha timaadana waxa timi buu yidhi fashilmaad, waa mashruuc yacnii lagu fashilmay. Xagga kordhintana wuxuu noo sheegay oo kale soo jeedin ahaan inuu Madaxweynuhu leeyahay soo jeedinta. Laakiin, iyagu Guurti ahaan leeyihiin go’aan-qaadashada iyo muddaynta iyaga oo muddaynaya wakhtiga kordhinta. Waxa kale oo uu noo sheegay inuu u baxayo safar caafimaad oo uu xagaa dibadaha u tagaayo. Waxa kale oo uu noo sheegay in shirgudoonkii kale oo hada ka maqan, marka ay isu soo dhamaadaan ay arrintayada wax naga odhan doonaan. Ballana wuu noo qabtay oo Arbacada ayaanu balanay. Waxaan u malaynayaa in wixii halkaa ka dambeeya Arbacada halkaa ka sii socodsiin doono.”

Mar la waydiieyey Eng. Maxamed Jaamac in Golaha Guurtidu inta badan looga bartay wax ka qabashada iyo xalinta shaqaaqooyinka iyo khilaafaadka, balse Jawaabta Saleebaan ay ka muuqato in aanay hawshaa ku deg-degayn oo aanay gelayn, muranaka xukuumada iyo Ururka Qaran Isaga oo su’aashaa ka jawaabaya waxa uu yidhi “Horta wali anigu taa ma odhan karo, oo rajo badan baanan ka qabaa iminka sidii uu noo sheegay. Run ahaantiina wuu noo sheegay awoodaha iyo doorka Guurtida, waana taan idiin soo sharxay. Haddana maadaama oo ay masuuliyiin yihiin oo loogu talo-galay oo shaqadooduba tahay inay doorkaa dhex-dhexaadinta ah ciyaaraan, waxaanu rajaynaynaa markay isa soo arkaan hawlahaa inay sidan si ka duwan ama waxan wax ka duwan ay noo keeni doonaan.”

Waxa kale oo Maxamed Jaamac la waydiiyay, markii ay la kulmeen Gudoomiyaha Guurtidu inuu kala hadlay mowqifka uu urur ahaan ka qabo iyo sida uu u arko. waxaana uu su’aashaa kaga jawaabay “Walaahay horta kollay distooriyan annagu waxaanu aaminsanahay in arrintayadu arrin sharciya tahay oo sifo sharci ah aanu ku socono. Markaa horta distoorkaa dalka iyo shuruucda dalka mooyaane, cid kale aanu u daba taaganahay ma jirto. Laakiin, sidaanu shucuurtiisa iyo dareenkiisa ka arkaynay waxaanu aaminsanahay in furashada ururada ay iyaga laftoodu aad iyo aad u danaynayaan.”

Mar la waydiiyay Eng, Maxamed Jaamac kulan ay sidoo kale la yeesheen shirgudoonka Golaha Wakiillada waxa uu ku saabsanaa, waxa uu su’aashaa kaga jawaabay. “Xaqiiqiyan maadaama ay yihiin Golihii sharci-dejinta waxaanu kala hadlaynaa waxyaabo badan oo ku saabsan dastuurka iyo shuruucda dalka oo aanu aaminsanahay inay xukuumadu, ku tumatay, jebisay, isla-markaana hor-taagan tahay. Inkasta oo aanan hadda kuu wada carrabaabayn oo aanaan doonayn arrimaha aanu kala hadlayno inaan halkan kuugu wada sheego. Haddana guud ahaan kuwaasay ku salaysan yihiin.”

“Annaga ayaa ayaa yool u noqona ciidamada itoobiyaanka..markaa qaxu waa xalka keliya ee noo banaan”

Hooyo ubadkeedii kala qaxaysa dagaalada

Muqdisho: Maalintii labaad ee dagaalada sii baahaya iyo boqolaal qoys oo ka qaxay

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Boqolaal mudaharaade, oo dalbanayay in ciidamada xulufada itoobiyaanka iyo kuwa dawladdu ka baxaan Soomaaliya, ayaa jidadka Muqdisho ku gubayay taayirro, isla markaana dhagxaan tuurayay, iyada oo shalay ay ahayd maalintii labaad ee ay halkoodii ka sii socdeen rabshaddihii ugu xumaa ee soo mara Muqdisho bilihii la soo dhaafay.

Sida ay faafiyeen, shabakaddaha wararka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba, dadweyne gadoodsan, ayaa shalay gubay oo galay gudaha saldhiga Degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay halkaa ka baxeen ciidamadii dawladda Mbeghati ka joogay. Isla markaana gebi ahaanba dhismahaas ayaa la sheegay inay dadweynuhu dab qabadsiiyeen. Sidoo kale, dagaalo xoog lahaa oo shalay subax ka dhacay agagaarka KPP, Tarabuunka iyo wadada Bangaariyada, oo la sheegay inay iskaga horyimaaddeen ciidamada dawladda mbeghati oo kaashanayay kuwa itoobiyaanka, ayaa ku sii fiday jidka wadnaha ee badhtamaha Muqdisho. Hase ahaatee, wararkaasi may kala caddayn inta uu gaadhsiisan yahay khasaaraha naf iyo moodba leh ee dagaaladdani geysteen. Sida ay faafisay shabakadda wararka ee AP, laba mudaharaade ayaa dhaawacmay ka dib markii ay ciidamada itoobiyaanku toogteen, oo taasina ka dambaysay markii dhawr boqol oo qof oo mudaharaadayaal u badnaa haween iyo caruur ku qaylinayay hadalo ka soo horjeeda itoobiyaanka, isla markaana ay dhagxaan ku tuurayeen. “Waxaanu ka caabiyaynaa dalkayga awgii, diintayada awgeed, sharaftayada aawadeed,” sidaa waxay faafisay AP inuu yidhi Axmed Xuseen, oo ka mid ahaa mudaharaadayaashii shalay. Dagaalladdan ka dhacaya Muqdisho, oo lagu sheegay inuu yahay kii ugu adkaa ee soo mara magaalada, ayaa shalay maydadka laba qof lagu arkayay jidadka, ka dib markii dagaalo culusi dhexmarayeen kooxaha islaamiyiinta hubaysan iyo ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa dawladda mbeghati oo isku dhan ah.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP, ayaa lagu faafiyay in shalay ay magaalada Muqdisho ka baxeen boqolaal qoys, kuwaas oo ka cararayay rabshaddaha iyo dagaalada culus ee ay iskaga soo horjeedaan kooxaha wax-iska-caabinta iyo ciidamada huwanta ah. Warku wuxuu intaa ku daray in dagaalkan ugu dambeeyay ee socdaa uu u muuqdo mid baro-kicinaya dadweyne fara badan, maadaama la sheegay in dadka shicibka ah lagu arkayo dacaladda iyo hareeraha magaalada iyaga oo raranaya gaadiid iyo dameero wixii ay helaan. “Qofna uma dul-qaadan karo waxa ka dhacaya Muqdisho, rabshaddeheedan isdaba-jooga ahina waxay galaafanayaan boqolaal qof toddobaad kasta,” sidaa waxay sheegtay AFP inuu khadka talefoonka ugu sheegay Cabdiraxmaan Nuurre, oo la hadlayay AFP isaga oo gaadhi Land Cruiser ah oo uu kaga baxay Muqdisho xaggiisa dambe ku fadhiya. “Kooxaha hubaysan, ayaa soo weeraraya dawladda iyo ciidamada itoobiyaanka ah maalin kasta,” ayay tidhi Fartuun Aadan Maxamed, oo ah hooyo saddex caruur ah kala baxaysay caasimadda dagaaladu halakeeyeen. “Mar kasta oo tani dhacdo, annaga dadkayaga shicibka ah ayaa ah yoolka ay beegsadaan ciidamada itoobiyaanku iyo xataa kuwa soomaalida ahi, markaa qaxu waa xalka keliya ee noo banaan,” ayay hadalkeeda raacisay hooyaddaasi.

Guud ahaanba, dagaaladii shalay dhacay ma jiraan warar madaxbanaan oo ka soo baxay inta ay gaadhayso tirada dhimashada iyo dhaawacu toona.

Kulankii Garaadada iyo Cade Muuse

“Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin ee ku dagaalama” Cade Muuse

Garoowe (Ogaal) - Iyadoo maamul Goboleedka Puntland uu guud ahaan ku jiro abaabul dagaal oo qaab qabaliya loogu dhawaaqayo, ayaa hadana waxay wararku sheegeen in kulan dhexmaray Cade Muuse iyo qaar ka mid ah madaxdhaqameedka lagu kala kacay, ka dib markii la saluugay, hadal la sheegay in Cade Muuse uu ka jeediyay shirkaa.

Sida ay sheegeen wararka deegaankaa naga soo gaadhay Cade Muuse wuxuu cadho galiyay qaar ka mid ah Garaadadii uu shirka la yeeshay. “Harti wuxuu  lahaan jiray, afar Garaad, laba Majeerteen ah, mid Warsangeli ah iyo mid Dhul-bahante ah, kaasina wuxuu ahaan jiray Baharar Same, imikana halkan kuma dhamidin. markaa, qolyihiinan kale ma cuqaalbaad tihiin.” Sida ay sheegeen wararka naga soo gaadhay Garoowe Sidaa waxa yidhi Cade Muuse mar uu kulan la yeeshay Sabtidii koox madax dhaqameed ah.

Wararku waxay intaa ku dareen in hadalkaasi cadho galiyay badi Garaadadii iyo Isimadii  shirkaa ka qaybgalay, sida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Garaadada Beesha Dhul-bahante ee sida weyn u taabacsan maamulka Puntland. “Qoladiina Dhul-bahante, ii keena rag aan Rasaasta cunin ee ku dagaalama.” Ayuu yidhi Cade Muuse sida ay nagu soo gaadheen wararka aanu ka helay Garoowe. Islamarkaana waxa la sheegay in weedhahaas iyo qaar kale oo aan laaqi ku ahayn madaxdhaqameedku ka sa soo yeedheen Cade Muuse. Islamarkaana kulankaasi burburay. Hase ahaatee ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac.

“Tobankayaguba waxaanu Dugsiga tegi jirnay anaga oo gaajoonayna”

Soweto (C. Argus/Ogaal)- Sandra Dodana da’deedu waa 17-Jir, muddo haatan laga joogo hal sanno, ayay labadeedii waalidba dhinteen oo ay wayday. Marka laga soo bilaabo ilaa muddadaas waxay hooyo, aabo, walaal iyo masuulba u noqotay 9 Caruur ah ay walaalo yihiin oo da’doodu u dhaxayso 4-Jir ilaa 7-Jir. Kuwaas oo ay la mudatay nolol ta ugu adag ee uu qof bani’aadam ahi ku noolaado. “Waxaan xusuustaa sida aan uga werweri jiray marka uu Roobku soo da’ayo, sababtoo ah guriga aanu ku jirnay saqafkiisa amaba oogadiisa sare ayaa gebi ahaanba dal-dalooshay. Taas oo aanu tobankayaguba isugu ururi jirnay cidhif ka mid ah cidhifyada cooshadda aanu ku jirnay, si aanaan u qoyin” ayay tidhi Dodana mar ay sharaxaysay dhibaatooyinkii ay iyada iyo 9-ka Caruurta ah ee ay Waalidka u ahayd kala kulmeen nolosha, waqti ay hadal ka jeedinaysay Xafladdii furitaanka Shir lagaga hadlayay Gaajada iyo Saboolnimada, oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo isugu jiray Hay’ado dawli ah, ururo aan dawli ahayn iyo kuwo Caalami ahiba.

Sandra Dodana goobta ay ku noolayd, isla markaana ilaa hadda degan tahay waa magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afirka, halkaas oo ay iyada iyo caruurtooduba ku noolaayeen geeridii waalidkood ka dib. “Waxaanu dugsiga tegi jiray anaga oo gaajoonayna, manaanu haysan lacag aanu isaga bixino Lacagta waxbarasho ee dugsiga. Ma jirin qof na caawin jiray, waxaananu ahayn kaligayo.” Sidaas ayay si ilmo iyo tiiraanyo leh u tidhi mar ay shirkaasi ka hadlaysay.

Qoyska 10-ka qof ka koobani waxay nafahooda dabbarayeen muddadaas sanadka ah, ilaa markii dambe ay gacan iyo maalgelin ka heleen Hay’ad kaalmaysa ubadka waalidkooda ku waayay AIDS-ka.

Nolosha ay hadda ku nool yihiin ayaa la odhan karaa waxay dhaantaa tii ay hore ugu noolaayeen.

Maayarka Hargeysa oo qiray inay jirto lacag lagu soo rogay dadka danyarta ah ee Guryaha loo dhisay

“Waxaad moodaa guryahaas dadka danyarta ah in ay ku dhex jiraan dad ku dhex dhuuntay… waxa laga qaadayaa kiro maahee waa lacag yar oo magac uun ah”

Hargeysa (Ogaal)- Maayarka Caasimadda Hargeysa In Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa cadeeyay inuu jiro qorshe ay ku doonayaan inay Fii (lacag) kaga qaadaan dadka dan yarta ah ee guryaha looga dhisay magaalada Hargeysa, Taasoo uu sheegay inay ugu talo galeen in lagu dayac-tiro guryaha. Islamarkaana waxa uu ku dooday inaanay jirin kiro, dadkaas laga qaadayaa.

Maayarku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.  Waxa kale oo uu shirkiisaasi kaga hadlay Maayarku arrinta Gobolka Sool oo ay dawlad hoose ee Hargeysa ahaan sida uu sheegay ugu deeqayaan 50-milyan oo shilinka Somaliland ah, si ay qayb ugu noqoto dedaalada wax lagaga qabanayo adeega bulshada, Gobolka Sool. “Hadii aan ku horeysiiyo guryaha Ayax laba iyo guryaha kale ee magaalada laga dhisay guryahaasi waxay ahaayeen 350 waxaana na siisay fanka lagu dhisay dawlada Jabaan, UN-Habitet-duna way dhistay, mashruucaasi waxa uu ahaa mashruuc  loogu tala galay in dadka dan yarta ah wax loogu qabto. kuwii magaalada ku barakacay iyo kuwii ka soo noqday qaxootiga, bakhtiyaanasiib baanay ku heleen guryahaasi. Hase yeeshee wajiga hore 175 ayaanu dhamays tiraynaa. Markaa 87 ayaanu furay bishii dhawayto, 87 kalena waxaanu furi doonaa bisha Desember. Inta kalena si fiican ayay u socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Jiciir isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Runtii guryahaas waxaad moodaa dadka danyarta ah ee loogu talagalay in ay ku dhex jiraan dad ku dhex dhuuntay oo meelo kale daganaa, oo ay wadaan hadal aan laaqi ahayn. Guryahaana danyartaa loogu talagay oo qofka ayaa iska leh ilaa inta isaga iyo tafiirtiisu nool yihiin. Laakiin waxa loola jeedaa marka la leeyahay dawlada Hoose ayaa leh, xeer ayaa guryahan lagu sameeyay guryihii hore ee Norwejiyaanku ay dhistay, xeerkaas iyo kan imika waa isku xeer, oo qofkaasi isaga ayaa weligii ku jiraya waxaana laga saxeexayaa qofkaasi magaciisa iyo cida dhaxlaysa iyada oo loo eegayo sharciga Islaamka cida dhaxlaysa. Markaa qoyskaasi iyaga ayaa weligood lahaanaya, cid kalana lama laha.”

Maayarku waxa uu sheegay inay guryahaasi yihiin guryo dadweyna, isla markaana ay aduunka oo dhan ka jiraan, cid kasaari kartaana aanay jirin, ilaa qof sifihii loogu talagalay dhaafiya mooyee.  “Guyahani  waa guryo dadweyne aduunka oo dhana way ka jiraan iyaga ayaa manaafacaadsanaya, lagamana saari karo. Laakiin waxaad moodaa inay leeyihiin kiro ayaa nalaga qaadayaa, kirana horta maaha ee waa lacag yar oo magac uun ah, oo 10,000 oo shilin Somaliland ah ayaanu ugu talagalay in laga qaado bishii guriga dhan, sababta 10,000 kun looga qaadayaana maaha dawlada Hoose ayaa qaadanaysa, ama dawlada ayaa qaadanaysa, lacagtaas Acon baa loo furayaa, halkaas baa lagu shubayaa dawlada hoose iyo Guddidaa guryaha leh ayaa wada saxeexaya, waxaana loogu talagalay in lagu dayac-tiro guryahaas, dayactirka dibada wixii gudahana qofkaasi ayaa samaysanaya. Laakiin lacagtaa waxa loogu talagalay dayac-tirkaa guryaha waana 10,000, oo shilin.” Sidaa ayuu yidhi Maayarku, waxa kale oo uu sheegay in aan qofka gurigaasi ku qorani aanu iibin karin, cid kalana ku wareejin karin, isaga oo xusay in uu qofka guriga ku jiraa ku waayi karo hadii uu ku sameeyo waxyaabo dhaqanka ka dhan ah sida in lagu iibiyo daroogada, iyo waxyaabaha ka baxsan dhaqanka suuban.

Maayarku waxa kale oo uu dadka reer Hargeysa u soo jeediyay inay la shaqeeyaan shirkadaha ay qashinka ku wareejisay dawlada hoose,  isla markaana ay geeyaan meelaha loogu talagalay, baabuurta iyo shaqaalaha qaadana ay la xidhiidhaan, kana joojiyaan dadka lacagta yar ka qaata ee ay u dhiibaan. Taas oo uu ku tilmamay inay tahay yeel oo igu noqo, oo inta gurigii laga soo qaado meel aan ka fogayn lagaynayo, taasina ay la mid tahay xashiishkii uu gurigaaga yaala oo kale.

Duqa Caasimadu mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sool waxa uu yidhi. “Baryahan waxa jira in Gobolka Sool in dalku uu taakulayn siinayo Gobolkaas, taasna dawlada hoose qayb weyn bay ka qaadanaysaa, oo dawlada Hoose ee Hargeysa waxay balan qaadaysaa sadex bilood oo bishiiba 5% ay bixinaysaa, waxaanay lacagtaasi noqonaysaa 50 milyan. Markaa 50, kaas waxaanu doonaynaa inaanu marna 30 miliyan bixino labaatanna marka dambe bixino. Markaa 50,kaa milyan ayaanu ugu deeqnay Gobolka Sool.” Waxaanu xusay in dagmooyinka ay ka socdaan abaabul wax loogu ururinayo sidii loo taakulayn lahaa dadweynaha Gobolka Sool. Ugu dambeyntii so’aalo laga waydiiyay maayarka shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa ka mid ahaa maadaama dadku guryaha leeyihiin, islamarkaana ay masuuliyadoodu fuushay ay lacagta u weydiinayaan. Waxana uu ku jawaabay. “Dayac-tirkan waxa loogu talagalay, maadaama danyar ay yihiin, ma samayn karo, oo gurigana bilaash ayaa lagu dajiyay. Markaa gurigiisa ma dayac-tiri karo, ee wixii guud ee jajab ah ee ku yimaada, waxa weeye lacagtan fanka ah iyaga ayaa leh oo maamulaya, dawlada hoosena qaybta hantida ma guurtada ah ayaa la maamulaysa, markaa sidaas ayaa loola dayac-tirayaa.”

Xuseen Maxamuud Jiciir mar la waydiiya waxa waddada Xera-awr oo uu dayac badani ka muuqdo, isla markaana bulsho badani ay waxa uga qaban waayeen. Waxa uu ku dooday inay waxyaaba badan wadooyinka ka qabteen, isla markaana uu yahay Maayarkii ugu waddo samaynta badnaa, imikana ay diyaar u yihiin inay si dhakhso ah taas iyo kuwa kale ee dayacanba wax ka qabanayaan.

Mar  la sii way diiyay Maayarka dadkan danyarta ahi hadii qaar ka mid ahi ay bixin kari waayaan lacagta fiiga ah waxa ay ka yeelayaan. waxa uu sheegay inay iyaga la tacaalayaan cida aan bixin karin, oo ay xal kale u raadinayaan

Dhinaca kale qaar ka mid ah Guddida xaafadaasi oo aanu la kulanay, isla markaana wax ka waydiinay aragtidooda ku wajahan lacagtan fiiga ah ee ay dawlada hoose ku soo rogtay. Waxa ay sheegeen inaanay raali ka ahayn, isla markaana ay si wayn uga soo horjeedaan, in ay lacag bixiyaan, maadaama guryaha iyaga loo dhisay, balse waxa ay xuseen inay ka dhursugayaan wada hadal ay sheegeen inay la yeelanayaan Maayarka Caasimada Hargeysa. Sidoo kalana waxa ay carabka ku dhufteen inay jiraan dad aan iyagu bixin karin haba yaraatee wax lacag ah, iyada oo aan hore loogu sheegeen in ay lacag bixin doonaan marka ay guryaha galaan.

“Shubanku wuxuu u badan yahay dadka baro-kacay ee tegay deegaanada ku xeeran Laascaanood. Laakiin..”

Xil. Indho-Indho

“Waxaanu ka wadnaa Laascaanood, inaanu Magaalo walba ka diyaar-garayno guddi qaabila taakulada soo gaadha dadka qaxay”

Hargeysa (Ogaal)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Sool, oo hadda ka mid ah Weftiyada Somaliland ee ku sugan halkaa, ayaa sheegay inay Wefti ahaan guddiyo ka sameeyeen maagaalooyinka iyo goobaha kale ee ay u qaxeen dadka ka baro-kacay Magaalada Laascaanood, si ay u qaabilaan dadka taakulada iyo gurmadka u wada dadka u baro-kacay deegaanadooda, una gaadhiiyaan taakulaynta loo sido.. Isla markaana wuxuu sheegay in Magaalada iyo deegaanada ku xeeran ee dadku u qaxeen uu ka dilaacay cudurka Shubanku, ha u badnaadeen goobaha dadku u baro-kacay, taas oo aanay jirin wax daawo ah oo lagula tacaalo cudurka oo Cusbatalka guud ee Magaalada taalaa.

Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Horyaal, ayaa sheegay badi dadkii ku dhaqnaa Magaaladu uu baro-kacay, marka laga reebo in yar oo ka mid ah . “Horta guud ahaan Xaaladdu way fiican tahay, annaga qoladayadan dambe (Weftigi dambe ee Laascaanood tegay) waxay ahayd shaqadayadu sidii loogu soo celin lahaa dadka bara-kacay degmada laascaanood. Magaalada dada badan ayaa joogay oo ilaa boqol iyo siyaado kun ah. Waxaanaad  moodaa in 60% ay baro-kaceen iyada oo wax dhibaato ah ama cabsiyi jirin. hawsha ugu wayn ee aanu iminka xooga saaraynaa ee aanu hawlaheedii ku jirnaa waa sidii dadka loogu soo celin lahaa magaalada oo ay guryahoodii ugu soo noqon lahaayeen.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.  Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa cusub oo aanu iminka hawsheedii wadnaa waxa weeye dalku wuxuu qaatay go’aan ah in gurmad balaadhan miisaaniyad, ama Hay’ado ha ahaatee ama gudiyadaa imanaya ee taakulaynta,  sida dadkaa bara-kacay u soo celin lahayn ama dadku ay la macaamili lahaayeen, degmo ha ahaato ama gobol ha ahaatee inaanu u diyaar-garayno si markay yimaadaan hawlahooda u qabsan lahaayeen.”

Xildhibaanka mar la waydiiyey goobaha ay ka sameeyeen guddiyadan, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Magaalada iminka dad badan baa jooga, culimo ha ahaadeen, ganacsato ama maamul gobol ha ahaadeene. Tusaale ahaan Xudun, Yogori, Taleex, Boocame, Laascaanood iyo kalabaydh magaalo walba Maayaradeedii, culimadeedii, ganacsatadeedii in aanu u diyaar-garayno in dadkaa imanaya ee taakulaynta u sida ay ula xidhiidhaan, si ay u gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan ee magalada ka barakacay.”

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay Xildhibaanku inay jiraan wax taakulayn ah oo ilaa hadda gaadhay, waxa uu sheegay inaanay jirin, balse ay filayaan inay helaan. “Horta ilaa hada waxa na soo gaadhay ma jiraan, laakiin, waxaanu filaynaa beri ilaa saadambe in xukuumadu dadka waawayn ee magalada lagaga tagay, ay wax u bilowdo si markaa dadka dibedad uga baxayna loogu gudbo.” Ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu sheegay inuu jiro Cudurka Shubanku uu faro-baas ku hayo dadka deegaanka, gaar ahaan kuwo qaxay. “Wuu jiraa Cudurka Shubanku, saakaba dadbaa dhakhtarka la geeyay, dadku magaalada ku nool oo nolol wanaagsan iskaga jiray waa garan  kartaa markay barokacaan. Dhakhtarka magaaladu ma laha ama ma yaalaan wax dawo ahi, dawadana dhowr farmasi oo magaalada ka furan baa ay dawada ka iibsadaan, xanuunkuna wuu jiraa, magaalada dhowr qof baanu ku aragnay. Laakiin, dadkii magaalada ka barakacay ee tagay degaanada kale ee ku xeeran magaalada Laascaanood ayuu shubanku u badan yahay. Wasaarada caafimaadka waanu la hadalay, inay beritona  (maanta) soo gaadhaan waanu filaynaa.” Ayuu yidhi Xil. Indho-Indho.

Source: Wargeyska Ogaal, Hargeysa.


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008