Qorshe la doonayey in xoog lagula wareego Xafiiska Shuronet oo Dhicisoobey
Hargeysa (Somaliland.org) – Qorshe la isku deyayey in xilka xoog lagaga wareejiyo hoggaanka iyo maamulka Dalladda Isku-xidhka Xuquuqul Insaanka ee SHURONET oo ay dabada ka wadeen xubno dhowaan isugu magacaabay Hoggaanka ururka Shuronet shir ay ku qabteen Hotel Ambassador, ayaa fashilmay, kadib markii ciidan Boolis ah ay adeegsanayeen uu ku hungoobeen marmarsiinyo la doonayey in xafiiskaas albaabada loogu xidho oo lagu soo kaxeeyey.
Abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka ayaa waxa tegey xafiiska Dalladda Shuronet xubno ka sheeganaya inay yihiin hoggaan cusub oo Dalladda Shuronet loo doortay iyo ciidan boolis ah oo iyagu raacyo kala dambeeya ahaa, isla markaana ilaa subaxnimadii hore ku sugnaa xafiiska iyo hareerihiisa.
Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ku yimaaddeen xafiiska Shuronet warbixin ay siiyeen xubnahaasi oo ahayd in xafiiska Shuronet ay fadhiyaan dabley hubaysan oo ka amarqaata Guddida hoggaaminta ee Shuronet, kuwaas oo ka horjoogsadey inay la wareegaan xafiiskaas oo ay ku doodayaan in loo doortay. Waxaana markii hore yimi saraakiil boolis ah oo watey gaadhi rayid ah, kuwaas oo ku soo wareegey dhismaha xarunta Shuronet, iyaga oo eegayey ciidamada la sheegay inay ilaalinayaan xafiiskaas.
Saraakiishaasi waxay ku wargeliyeen in aanay jirin wax ciidan ah oo jooga xafiiska, shaqaduna ay caadi uga socota, iyada oo weliba uu albaabka hore ee xafiiska taagnaa askari ka tirsan Booliska, Cutubka Ilaalada Gaarka (SPU) ee qaabilsan ammaanka shaqaalaha ajnebiga ah iyo hay’adaha samafalka Caalamiga ah.
Hase yeeshee, waxyar kadib ayaa iyana waxa meesha soo gaadhey gaadhi Toyota (Xaajiyad) ah oo Boolisku leeyahay oo ay saarnaayeen ciidan boolis ahi. Waxaana la sheegay in ciidankaas kale uu yimi markii mid ka mid ah ragga sheeganaya Hoggaanka cusub, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, uu la hadlay madaxda sare ee Booliska, isaga oo u sheegay in askariga Booliska ah ee Ilaaliya xafiiska Shuronet uu u diidey inuu galo gudaha xafiiska.
Dad badan oo isugu jira dad ka kala yimi xaafadda xafiisku ku yaallo, odayaal iyo xubnaha Dalladda Shuronet qaar ka mid ah ayaa u soo baxay Booliska oo la hadlay, iyadoo wakhtigaas uu xafiiska Shuronet ka socdey shir ay lahaayeen ururrada xubnaha ka ah Dalladda qaar ka mid ah. Waxaana xafiiska hortiisa ka bilaabmay buuq iyo dood socotey qaddar saacad ku dhow oo u dhexaysey Booliska iyo dadkii kala duwanaa ee meesha isugu yimi.
Ugu dambayntiina waxa booliska lagu qanciyey in wax nabadgelyo darro ahi aanay meesha ka jirin, cidda doonaysa inay la wareegto xafiiska Shuronet-na ay u soo marto dariiqa sharciga ah, balse, aanay iyagu fargelin ku samayn, loona adeegsan burburinta hay’ad waddani ah oo dhisan, qalalaase iyo fawdona aanay abuurin, taas oo keentay in ciidankii dib uga noqdo xafiiska.
Maxamed Cabdalle oo ka mid ah Guddida hoggaaminta Shuronet oo kadib saxaafadda la hadlay ayaa u mahadnaqay, kuna hambalyeeyey ciidanka Booliska iyo saraakiishiisa inay si masuuliyad iyo waddaniyad leh u dhaqmeen, isla markaana ay fahmeen in la soo majara-habaabiyey.
“Waxaan horta doonayaa halkan inaan ka hambalyeeyo ciidankii Booliska iyo saraakiishoodii halkan timi ee u timi hawlgalkii lagu soo majara-habaabiyey ee la doonayey in wax loogu dhimo sumcadda Somaliland,” ayuu yidhi Maxamed Cabdalle.
“Nasiibdarro waxaa ahaan lahayd in maanta la yidhaahdo Booliska Somaliland ayaa qabsaday xarunta Shuronet. Laakiin, nasiib wanaag, waxaan ku hambalyaynaynaa inay ku shaqeeyeen caqli wanaagsan iyo damiir wanaagsan, ayna ogaadeen in wixii loo soo sheegay aanay waxba ka jirin,” ayuu raaciyey.
Maxamed Cabdalle, waxa uu sheegay in ay hore u wargeliyeen Booliska, una sheegeen in ashkhaas aan sharci ahayni ay doonayaan inay xoog kula wareegaan xafiiska Dalladda Shuronet oo ay hadda ku shaqeeyaan maamulkii iyo hoggaankii ay doorteen ururrada xubnaha ka ah Shuronet, isla markaana ay diyaarinayaan Shirweynihii Dalladda oo la qabanayo badhtamaha December.
Waxa uu ku tilmaamay tallaabadan mid lagu sumcad dillayo Somaliland, iyaguna ay ku dedaaleen sidii ay uga Somaliland uga badbaadin lahaayeen magac xumada arrintani u soo jiidayso.
“Annagu waxaanu dareenay in arrinta meesha ku jirtaa ay tahay mid lagaga soo horjeedo sumcadda wanaagsan ee Somaliland maanta ku leedahay caalamka,” ayuu yidhi Maxamed Cabdalle.
Maxamed Cabdalle, waxa uu u diray xukuumadda fariin uu ugu sheegay in Shuronet ay tahay hay’ad u taagan xuquuqul Insaanka Somaliland, caalamkuna uu xafiiskeeda kala soo xidhiidho wax kasta oo ka dhaca Somaliland. Sidaas darteed, ay mudan tahay in la ixtiraamo oo la wada ilaaliyo sumcadda iyo karaamada Qaranka oo qof waliba xil ka saaran yahay. Waxana uu ugu baaqay in aan si khaldan loo adeegsan ama aan la majara-habaabin.
Xubnahan sheeganaya inay yihiin hoggaanka Shuronet ayaa shir xukuumaddu soo abaabushey oo lagu qabtay Hotel Ambassador guddoomiye ugu doortay Cabdillaahi Wayab oo ah nin u shaqeeya dowladda, Maamulena ka ah Wakaaladda Wararka ee Wasaaradda Warfaafinta. Waxayna maalmahan u dambeeyey ku celcelinayeen inay la wareegi doonaan xafiiska iyaga oo isticmaalaya awoodda dowladda. Dareemada ka soo baxay tallaabadan maanta ayaa muujinaya in qorshuhu ahaa in xafiiska uu buuq ka dhici doono, kadibna boolisku la wareego, balse, taasi ay dhici weydey. Waxa kale oo la sheegay in saraakiisha sarsare ee booliska qaar ka mid ahi ay la shaqaynayeen ashkhaastan, balse, aanay u suuragelayn inay bixiyaan amar toos ah oo ah in xafiiska lagu wareejiyo xubnahaas.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur