Magacaagu Yuu Noqon Mid Xumaan Ka Marag Kaca
(Waxa qoray: Ahmed Haji Yussuf Dualeh, London) — Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, sida macawisaha qaar nimba maalin yuu xidhan
Ilaahay hortii inaanay banaaneen sadqayntaad ku xustay maalinta shuhadada
Ilaahay maragii inaanay ekayn sacabayntii ka baxasey Mujaahid u hibeenta Riyaale
Ilaahay magane sir iyo cidhib iyo si kalay ahayd, Sooyaalna waaka mas’uul.
Aad iyo mug waxan uga xumahay 17kii Oktoober 2007 in inagoo nool oo miyir iyo maanba qabna la’ Maxlalo Maalintii Shuhadada Maragna aan ka ahayn.
Aad bay ii xaganaysaa in koox aan damqanayni danteenoo dhan iyo doorkeena dillaasho
Aad iyo aad bay ii damqaysaa Sooyaalkeenii sixir iyo si kale loo tarjumo
Aad iyo aad baan uga xumahay sidii Sooyaal Sooyaalka u duwey sawaxan iyo sacabna ku siraayey soo jireenkii iyo sooyaalkii ummaddan.
An wax yar oo run iyo Taariikh ah oon la’ bedeli karayn xasuussho Bulshadayda lagu talo jiro sidii loo tir-tiri laha Sooyaalkeeda.
Waxay ahayd 1980 badhtamahiisii markaan bartay Muj.Maxamed Xaashi Cilmi waxan ka bogtey habeen uu yimid guri uu ku jirey nin aanu ilma-adeer nahay oo hada Canada ku sugan wuxuu watey gaadhi cusayb xige ahaa noociisuna ahaa (GMC pick up) waxa dhinaca kaga dhegsan calaamado dhawr ah oy ka mid ahayd ta lagu galo Madaarka Jeddah (Saudi Arabia) oo marka la dhisayey wuxuu ka mid ahaa Engineer da ugu mudan ee ku hawllan madaarkaa casriga ahaa, waxa waaga socdey oo la wad-wadey oo lagu hawlanaa rag u fidooba ku dhawaaqista urur ka dhan ah taliskii Afweyne, waxa ka muuqatey qiiro iyo xamaasad, badanaa sir baa lagu wadey iyo faq oo wax badan lagama fahmayn, waxan u keenay shaah iyo sharaab waxan la’ kulmay Maxamed Xaashi oo leh Habarjeclooy waa la raagteen xubintii la idinka sugayey mana ka tegayno e’ cid keena, wuxu ku daray waar yaadha waa nimanka waqtigu waa qaali ee aan ka faa-iideysano iyo miyaa hurdaysaan buu raaciyey iyo yeeli mayno oo Wallaahi idinka tegi mayno, waa canaan xoog leh.
Wuxuu sidaa u lahaa waxa la’ go’aansaday in lagu dhawaaqo urukii SNM si laysula jaan qaadona waa in reeruhu guud ahaan ka muuqdaan si aanu Rajiimkii cadowga ahaa reero gaar ula bixin oo u gumaadin, mudo ku dhow 6 bilood baa waxa la sugayey ninkii xaga Habar-Jeclada ka raaci lahaa ragga la dirayo is-fideyn iyo waraabe isu xidh bay ahayd, aakhirkiina waxa raacay oo buuxiyey halkii banaanayd AHN Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) isagaanuu noqday ninkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay SNM. Waatii BBC du waraysigii ugu horeeyey ka qaaday sanadii 1981.
Waxa murugo lahayd in inta shir la qabto loogu magac daray xuskii maalintii Shuhadada 17 Oktoober loogu magac bixiyo Daahir Riyaale waa Mujaahid
Waxan qabaa Magacaasu tilmaan iyo taariikh buu lahaa yaynaan u isticmaalin sida Distoorka Somaliland ee dhankii la doonoba loo dhigo, waxa geya keliya Mujaahidka Kii ku shahiidey, kii ku naafoobey, iyo kuwa rafaad iyo raranka aqbalay kana dhaxlay keliya Mujaahid iyo Bulshada oo ku dhawrta ku ixtiraamta tilmaantaa kelya, waxan qabaa maaha suura gal nimaan lahayn astaantaa in lagu raalli geliyo ta kale Abti Yuusuf tallabow Daahir maaha Mujaahid laakiin waa madaxweyne taasbuu cod ku helay ee ha iimaansado.
Ilaahow Mujaahid Lixle iyo Ragiisii ha nagu soo saarin, wuxuu u Shahiidey dad baa kaa danbeeya Taariikhbay reebayaan tacabay gelayaan talay yeelanayaan agoontay tacliin iyo tabantaabin ku dhawri timahay u salaaxi. Haduu ogyahay filayey in isaga iyo kuwuu magaca u bixiyey la lamaanayndoono iga dhaar inaanu Shahiideen ee wuu iska noolaan lahaa oo sideenaa inala sacab tumi lahaa waxay raggaan garanayaa loxodka la qaban-la’yihiin mud -mudka Wasiirada Cawil, Maxamed Suleman weyne, Yuusuf -tallaabo, iyo Tow-tawda toobad laawayasha, wuxu leeyahay mujaahidku kala saar sir iyo caad kala garo run iyo been in Salaadu weligeed kala tahay Sunniyo Farral u ogow sax iyo maan, inad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daa.
Madaxweynuhu Luquskan iyo u duur xulkaagan wuu is weydiinayaa una dha-dhami mayso mana jecla magacaas Mujaahid e’ kadaa Madaxweynaha.
Taytalkan (title) Mujaahid waxa lagu gaadhaa maaha wax qof qofkuu jecelyahay hadiyad u siiyo ee waxa lagu gaadhaa, qadhaadh iyo go’aan adag oo uu qaato Ruuxa bin-Aadmiga ahi oo ka doorto mansab iyo magac uu ku sugnaa, sida Mujaahid Cabdiraxmaan ina Aw Cali Faarax, sida kuwaa xidhan, iyo baan ku idhi sida kumanaan iyo kumanaan Hebel iyo halyeey, waxa lagu gaadhaa/noqdaa Mujaahidna waxa ka mida dhulkan oo dhiigaagu ku daato, dheecaan-kaagoo ku dareera dhabarkaagu ku liica, dhafoorkuu kugu gota, dhinacoo ku qalfoofa, dhaawacaagoon qarsoomin, dhirbaaxooyin kugu gaadhey, dhabanadoodoo lusha, iyo dhoorkoo ku bas-beela.
Ninkaa Waa Maxamed Xaashe waxa ka go’nayd in uu iskaga dhaqaaqo gaadhigaa quruxda badan shaqadaa qaayaha badan mushaharkaa faraa badan iyo miisaankaa iyo khibrada madhaxiisa u roonayd.
Wuxuu uga tegey in uu u hiiliyo ragii lagu sameeyey sida uu maanta isagu ku suganyahay
wuxuu ka doortay inuu dagaal, dibed u bax, dar-xumo iyo dantiisa oo uu ka dooray ta dalka iyo dadkiisoo xorroba. Su’aalbaa odhanaysa ma’ xaqbaa ma’ xeerbaa ma’ xallaal baa inuu xadhig midhihiisii noqdo maalintuu u baahnaa xanaan iyo xurmayn oo gabow iyo xanuuno aanu iska xejinayni xirribaa u jiraan?
Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxaynu wada xasuusanaa inuu ahaa dhakhtarkii gaarka ahaa ee madaxweynihii awooda badnaa ee waagaa Maxamed Siyaad derejo dhakhtar qabto oo ka saraysa may jirin wuxuu ka doortay inuu halganka raaco ugana faa’iideeyo cilmigiisa iyo aqoontiisaba.Su’aal baa tidhi miyuu geyaa qadaad riix iyo qab iyo handaraab?
Mujaahid Jamaal Caydiid wuxuu ahaa nin dhalinyaro dagaal iyo xorayn ugu ban iyo dibed baxay kana doortay xarago iyo xariir iyo xabad iyo SNM ogow wuxuu ku jirey marka raggu ugu damac daawasho jecelyahay e’ xadhig iyo xangaruufooyina wuu qabay.
Ragga ku caweynaya Xarafow ma is weydiiseen maxay ku xidhanyihiin mudankaasu miyaanadse ogeen inay arintu tahay ku day iyo ku soco oo ka tallaabso, wallaahi kama duwanidin lo’ dibadeeda (buffalo) ee Libaaxa ugu xeraysan beerta safaari (safari park) ee dalka Kenya ee maalinba tuu doono luqunta kala jebiya, ma waxay idinla tahay inaad ka nabad gelaysaan jawaabtu waa maya, hadaydaan diidin dulmiga iyo daan-daansiga xadhiga nimankaasu wuxuu wado u yahay kuwiina u haysta in Jeelka xijaab idinka xigo.
Golaha Wakiilada waxa la’ gudboon inay fahmaan mas’uuliyada ka saaran Muwaadinka, Maamulka iyo Masiirka Ummaddan, waa inay gartaan inay xilkaba ka xayuubin karaan Madaxweynaha haduu Sharciga yar ee la’ dhigtay ka tallaabsado. Ma’ waxaad ku sugaysaan intuu Cawil suura gelinayo hanjebaadihiisii ay ka mid ahayd Dr Gaboose Waan masaafurinayaa oo Diyaarad baan saarayaa xidhba e’, iyo Ambassador Hotel askartaan ku soo fasaxayaa ha boobaane, iyo qabta oo xidha waayeelka reeraha. Markuu arkay in aan cidi taa ka damqan Yuusuf-tallabona waakii yidhi Siilaanyo laftiisu Sharciga kama weyna saaxiibayaal waa sidee? miyaydaan dhaadinba .
Wakiiladow waxa idin dhaamey kuwaa dhaameelka odhan jirteen waa kuwii hadh cad ina Cigaal xilka xayuubin (impeachment) ku soo oogey ee uu hal cod qudha ku fakaday
Ina Riyaale-na markay u diyaar garoobeen waakii A/Qaadir Jirde ka hor joogsadey ee aqalkaba ka qafishey
Wakiiladow miyaaydaan aqoon awoodiina mise idina Qabcaa noqoteen? bal dhugo murrtidan (iimmaam sahwiyoo Sub-xaanalaah Diidey iyo Xil-dhibaan Saylad la’ Joojey oo Sabarkiisa la’ taabtay midna Suxulkiisa ma’ leefo)
Wakiiladow, wuxuu idiinka tegey Ibrahim Gadhle AHN Murtidan
MURJISKAAGU YUU NOQON MAGLIGA DILA WALLAAKII
HA’ KA TALIN MASIIBIYO WAX MAKHLUUQA KALA DILA
MAGACAAGU YUU NOQON MID XUMAAN KA MARAG KACA
SIDA MACAWISAHA QAAR NIMBA MAALIN YUU XIDHAN
MASKAXDAADU YAY NOQQON MAQAL LAGULA LEEYAHAY.
Geba gebo, maxaa loo sheeganayaa ninka reer Koonfur Africa ee maal-gashiguu ku sameeyey marayo in Muus lagu arko Bulla-Xaar ee qaatay warqadii uu ku degayey wadanka, Wasiir Cirrow ma abaalkaad sidaas u taqaan sowtii laba wiig ka hor wadnahaaga wadankiisu daweeyey adigoo noloshaba ka niyad xun, waar waa ceeb xukuumadaay, intaad isleedihiin qof ku xumeeya waa sumcad xumo, waxa ku nool wadamada uu qoyskaasu ka soo jeedo asal ahaan sida Holland, Belgium, Austria, Germany and Switzerland oy deganaan siiyeen iyo baahi tir dad ka badan 500 shan boqol oo kun oo Somaliland ka soo jeeda haday tahay guryo, caafimaad iyo School intuba bilaash ah. Marti ganafnimada xukuumadeena ma waxay xamili weydey qoys sharcigii deganaanshaha qaatay waxna aan ka sugayn dhulkana wax gelinaya hadana ku guda jira (community development)?
Ciidamada qalabka sidaa way ku mahadsanyihiin heeryaday iska tuureen 5 sano ku dhowaad iyo hanaankay ku sugeen, waxan aad iyo aad usoo dhoweynayaa dadkayga reer Sool go’aankooda iyo garashadooda, waxan leeyahay nabad iyo caano niyad iyo wanaag Naf iyo maalba wadaag. Somaliland ha noolaato ammaano Alla.
Ahmed Haji Yussuf Dualeh, London,

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde