OPINION

Golahii Xilka isu kordhiyey, Maanta oo Dalku Xaaladao Dagaal & Doorashooyin galay, Weli ma khilaaf bay ka hadlayaan?!

Ceeb iyo u sacabbin sharci-darro ayey ku tahay
Saxaafadda Somaliland inay wax ka qoraanba , Gole aan
sifo sharci ah ku joogin ee jujuub iyo Distoor jebin ,
hantida Cashuur-bixiyeyaasha ka soo xarootana, xaaraan
ku dhuuqa!! Waxaynu u soo joogney khilaafkii siddeedda
Bilood qaatey ee Distooriga ahaa, Golahanuna sababay.
Waxaynu u soo taagneyn aflagaaddadii shirguddoonka
golahanu uu u geystay Golaha Xildhibaannada ee uu ku
tilmaamaamay dhagaxaan fadhfadhida!! waxay ku
dhammaatey arrintaasuna weynu ka warhaynnaa oo marka
horeba in ay beddelaan labadii xubnood ee Golaha
Xildhibaannadu diideen ayy ahayd, muddada intaa leegna
qaranku jaah-wareer kuma jireen, haddii ay ahaan
lahaayeen Gole hadafkiisu yahay inay qarannimada u
adeegaan!!

Golahan Guurtida oo Muddadiisii sharciga ahayd
dhammaatey, waqti aan Dalku Distoor lahayn oo xeer
beeleed marxaladdaas yahay ka lagu kala baxo, ayaa la
sameeyey, marxalado badan oo laga soo gudbeyna ka mid
bay ahaayeen, oo wey dhammaatey marxaladdoodii. Dalku
Distoor iyo Maxkamado ayuu leeyahay ee Golahan Xaalad
abuurka iyo ku jiqsiida, waa in loo duceeyo. Dalka oo
Xaalado Dagaal iyo kuwo Doorasho ku jira , Kalfadhigan
34aad ee shirguddoonka Guurtidu, durba khilaafkii
Hay’adaha Dawladda dhexdooda ajandaha uga dhigey,
dantii qarannimona ka doorbidey kooxo iska soo
horjeeda
oo goorwalba taagan, ilama aha in ay laba socon karaan
waxa ay ummaddani higsaneyso ee ay ku taamayso!!

Warbaahintu Gole ama Hay’ad ay ogyihiin in ay sharci
darro ku joogto haddii ay baahiso hunuu-hunuuda aan
nuxurka lahayn ee ay ku hadlaan, waxay faafineysaa
maamumul xumida oo ay rasmiyeyneysaa. Qaran waa kii
shuruucda iyo Distoorka ixtiraama. Odeyaasha mushahar
yar iyo Gunno ay karaamadii ka qaaddey, wax laga
dhegeystaa ma muuqato !! waxaannu leenahay ha
ixtiraamaan qawaaniinta Dalka iyo Distoorka , haddii
kale, wax xushmad iyo ixtiraama oo ay naga helayaan
ma jireyso , waana awood ku dirirnimo iyo jujuub
qarannimo waxan ay ku dhaqmayaan. Iyaga oo wadar ahaan
isu casila ayey ixtiraam iyo qaddarin nagu
leeyihiin!!.

Hal xaaraan ahi, Nirig xalaal ah ma dhasho. Hay’ad
qaran Dimuqraaddiyad ka hadlaya ka tirsanina iyadu
isuma jadiidin karto xilka, oo haddii ay dhacayso,
Riyaale ayaa isu jadiidin lahaa!!! Marka ay intii
waayeelnimo la bidey sidan yeeshona, maxaa laga
filayaa, jiilka samankana!! Odeyadanu, waa in aanay
taariikhdan foosha xun ee ay dhigeen iyagu, kaga tegin
in ay ku jirto sooyaalka taariikhda madow ee
Somaliland , Shakhsi qudhana aanay qaayadda adeeggooda
ka dhigin ee waxa ay mushaharka ka qaataan yahay
Dadweynaha soo bixiya Cashuurta, iyaga rabitaankoodana
ay ku shaqeeyaan.

Waxay ahayd in ay ka hawlgalaan samaan qaddiyadaha
Sool iyo Sanaag-bari illeyn waa Odeyaal dhaqane ,
manay yeelin intaana Dalka Mushahar iyo Gunno ayey ka
qaadanayeen , maxay qabteen ee aan ahayn dab-demis iyo
afuufid ay la daba joogeen siyaasadaha dumiska ah ee
Maamulku hadba beel ku dayaayey, ama xaq muwaadinad ku
duudsiyey ama Xisbi mucaarida ku weeraray, ama qodobbo
Distoori ah ku daadifeeyey , ama Miisaaniyad xaq loola
xisaabtamay Maamulka ay taageero sacabbin ah kula daba
fadhiisteen!! Guurtida ku raalli noqotey in Togdheer
Sanaag, iyo Sool Lacagta faderaalku ka socota ilaa
maanta, Xuduudaha Dalku furraadaan, Gobollo Is-Maamul
beeled kaga dhex dhwaaqaan Dalkan ay Xeer-Dejinta u
yihiin, Ciidankii qaranku markuu baacsadey cadowgii,
ay dhego-barjeyneysa Idaacadda Geedka saaran ee
Bugland, halka ay Raggan isla weyni, Caroog aan
Hargeysa geesna u dhaafin ummadda uga dhigeen idaacad
ay iga uuni dhegeystaan!! Guurti..!!!?

Marmarka qaarkood , dhaqanka gobtu, wuxuu dhalaa
nacasnimo, jilayc iyo waqtiyo ay u helaan inta
gobannimada ka saboolka ahi ay waxyeellooyin badan iyo
hadimoba ku geystaan. Dulqaadka iyo Xishoodka
ummaddanu bal wuxuu u geysanayo eega. waxay xaq u
lahayd in loo dhiso, Dawlad Assaasyadii dhabta ahaa ee
Maamul sharciya , waxaana loo dhisay Dawlad Magac ah
oo ay maqan yihiin Asaasyadii dhabta ahaa.
Gole-Wasaro, lixdanka kor u dhaafay, Ciidamo qaran oo
Maleeshiyo ah, Wasaarado Magac ah oo aan hawlgal iyo
waxqabad midna lahayn, Hanti-dhawr wax ku ool ah,
Shuruuc dhaqaale muujineed iyo Mas’uuliyadda Xilalka
qaranka oo aan ku xisaabtan lahayn, Dakhligii Dalka oo
inba meel loola kacay iyo awooddii qaranb oo gacan
keliya isugu tagtey.

Waxaynu maraynaa in maanta ay Aqoonyahnkii u soo
jihaadey Dalkani jeelka madheera ku jiraan oo cadow
qaran laga dhigey, Xaabsade oo dhwr jeer dagaal
hubeysan ku soo hoggaamiyey Somalilandna, Wasiir Sulub
iyo Tiimka Riyaale “Red-Carpet” ugu dhigaan Sool !! oo
Macneheedu noqonayo Mujaahidiintii Jaamiciyiinta ahyd
ee ka dambeysay Xorriyaddan aynu maanta ku caano-
maallay, dhaliyeyna inay Cadow qaran noqdeen, kuwan
Dalka ku soo duuleyna , Muwaadiin iyo kuwa lagu soo
qabtey Dagaalkuba muwaadiniin yihiin!! Shirguddoonka
Guurtidu inta uu khilaaf dhacay oo laga soo gudbey
ajende ka dhigayo, Mujaahidiintan magaalada ay joogaan
laga Afduubey ee Siyaasadda ugu xidhan odeyga ay u
shaqeeyaan, meeshan u fadhiyaan maxay uga hawl
geliwaayeen, inta aan qalinku naqaska ka joojin iyagan
laftooda!!

Caalamku waa tuulo, meel walba Digniintu wey kaga soo
dhacaysaa Maamulkan qidhimta ah , haddii aan sharciga
la ixtiraaminna fadeexaddii Burco, waxay ahayd
salleelo ee waxa iman afka mucangaggu fahmo in lagu
wada hadlo, kuwa ay markaa wax ka lumayaanna waa inta
ku gofonowdey hantida Ummadda oo dharku ka badan
doonaa!! Maamulkan iyada oo Ummaddu hadimo mooyee
aanay haba yaraatee ka arag waxay maalin ku faraxdo,
in uu Doorasho isu soo taagona ku naalloonayaa, halka
uu iska weyddiin lahaa , maxay Ummaddu kaaga
hayaantay,
waxgaradku waqti iskaga lumin maayo uu kaga
dhur-sugo!!
Waddooyinka Caasimadda, kuwan Magaalooyinka la iskaga
Gudbo, adeegyada laydhka, Biyaha, Dawladaha Hoose,
Isgaadhsiinta, Adeegyada Caafimaad, shaqo la’aanta
bulshada haysata, Mustaqbal la’aanta ubadka Dugsiyada
ku jira ee aan wax barnaamij ah oo Dawladdanu u
diyaarisay lahayn iyo Hay’adahan qaranka in laga hago
ay ahayd ee haddana aad mooddo Dal aan ahayn ka ay
dhex joogaan inay u shaqeeyaan !! marka aad eegto
khayaaliga ay isku qanciyeen iyo aqoondarrada ka
haysata Qarannimada oo iyagu inay yihiin qarankaba isu
haystaan, jiqna isugu yihiin!!. Inay Ummadi sugeyso,
Dal la burburiyey oo dibu-dhis u baahani sugayo,
jiilal badan oo Dugsiyadii ka baxay, in la meeleeyo
sugayaan. Aqoontii Mujaahidiinta, Naafadii iyo Dhaac
sugayo, Xuduudihii Dalka oo cadow iyo Cudurba u furani
sugayaan, Ciidammadu Darjo iyo Astaamihii qaranka ka
sugayaan, gobollada bari lacagtii Dalka iyo Maamulkoo
gaadha ka sugayaan umaba bilowna!! yaa khasaarah!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE