Dhagax-dhigga Dugsiga Sare ee Ballidhiig

Dhowaan waxa dhagaxa la dhigay dhismaha dugsi sare oo laga dhisi doono magaalada Ballidhiig oo ka tirsan degmooyinka gobolka Togdheer. Waxa uu noqon doonaa dugsigii sare ee ugu horreeyey ee degmadaasi yeelata weligeed.Dhismaha dugsigan sare waxa iska kaashan doona Jaaliyadda dibedda ee ka soo jeedda degmada Ballidhiig, gaar ahaan jaaliyadda UK iyo dadweynaha degmada Ballidhiig oo ballan qaaday in ay door weyn ka cayaari doonaan dhismaha dugsigaas sare.

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer, Mudane Cabdi Axmed Siciid oo horkacayey saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada, ayaa toddobaadkan booqasho ku tegey magaalada Ballidhiig, waxaanu guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in wasaaraddu gacan ka gaysan doonto dadaalka horumarinta iyo tayaynta waxbarashada ee degmada ka socda, isaga oo tibaaxay in ay xagga qalabaynta gacan weyn ka gaysan doonaan.

Badhtamaha bisha Noofember ee 2007, waxa Ballidhiig ka bilaabmi doona dhimaha laba fasal oo dhammaystiri doona dhismihii dugsiga Hoose/Dhexe ee Ballidhiig, dhismahaas oo ay suura gelinayaan xubnaha Jaaliyadda Degmada Ballidhiig ee waddanka Ingriiska oo uu hormuud u yahay Ururka Horumarinta Waxbasrashada Degmada Ballidhiig.

Dugsiga Ballidhiig waxa la aasaasay sannadkii 1962, waxana ka soo aflaxay dad badan oo ka mid yihiin mas’uuliyiin qaran iyo dad kale magac ku leh bulshada dhexdeeda. Haatan Dugsigu waxa uu ka kooban yahay Hoose/ Dhexe, waxaana dhigta arday dhan 238 oo ka kooban hablo iyo inammaba. Waxa kale oo wasaaradda waxbarashadu ee Gobolku ballaadhin iyo xoojin ku waddaa xafiiska guddoonka waxbarashada ee degmada oo ku yaalla Ballidhiig, ayna hoos yimaaddaan 16 dugsi oo hoose/dhexe oo degmada ka furan.

Guud ahaan waxaa gobolka Togdheer ka bilaabmay baraarug weyn oo ku jihaysan kobcinta iyo tayaynta waxbarashada, iyada oo ay dugsiyada dadban iyo kuwa aan dadbanaynba si muuqata ugu fidiyaan magaalooyinka iyo degmooyinka ka baxsan caasimadda gobolka ee Burco oo haatan waxbarashadu si fiican uga hana qaadsan tahay marka loo eego xilliyadii hore.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer, Cabdi Axmed Siciid, ayaa tilmaamay in waxbarashada gobolku indho furtay wixii ku sinnaa sannadkii 2000, iyada oo haatan dhismihii dugsiyadu dhinaca qaangaadhka u janjeedhaan, ayna wasaarad ahaan ku hawllan yihiin dhinaca tayaynta waxbarashada.

Dhowaan ayaa la furay Dugsigii Sare ee Degmada Oodweyne, waxaana hadda gacanta lagu hayaa oo dhowaan isna furmi doona Dugsiga Sare ee Dhoqoshey, taas oo sawir fiican ka bixinaysa lab la soo kaca dugsiyo sare oo ku baaha gobolka guud ahaan, gaar ahaan meelaha ka baxsan xarunta Burco.

147 dugsi ayaa gobolka ka furan, waxaana booqda dugsiyadaas arday lagu qiyaasay 135,000. Macallimiin gaadhaysa 674 ayaa ka hawl gala dugsiyadaas. Si kastaba ha ahaatee, waxa gobolka ka jira baahi badan oo ku waajahan dhinaca macallimiinta iyo gunnayntooda, taas gebi dhac ku keeni karta tayadii loo baahnaa ee waxbarashada. Baahida labaad ee badiba ka muuqata dugsiyada badankooda, ayaa ku taxmaysa dhinaca qalabaynta iyo dayactirka. Waxana la oddorosayaa in aanay wasaaradda waxbarashadu kelideed la galgalan Karin daboolitaanka baahidaas, loona baahan yahay in qurbajooggu isha ku hayaan arrintaas oo ka qayb qaataan qabyotirkeeda.

Maxamed Baashe X. Xasan, Hargeysa

mohamedbashe@hotmail.com


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE