Rayi-qaadis uu sameeyey HCTV oo saadaalisay in KULMIYE

Rayi-qaadis ku saabsan arrimaha doorashooyinka Somaliland ooo uu sameeyey telefiishanka madaxa bannaan ee HCTV, ayaa natiijadii ka soo baxday rayi-qaadistaa xalay lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, oo ay ka qaygaleen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Komishanka doorashooyinka qaranka, masuuliyiin ka socday urur-siyaasadeedka QARAN, xildhibaanno ka socday Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahano, ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo dadweyne farabadan.Rayi-qaadistan uu sameeyey HCTV oo ku salaynayd saddex qodob oo kala ah in la beddelo Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran iyo in ay doorashooyinka soo socda u tartamaan in ururro siyaasadeed la furo in kale iyo saddexda xisbi qaran cidda ay u codaynayaan, ayaa waxa codkooda lagu waydiiyey 1500 qof oo lixda gobol ee dalka, kuwaas oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada da’dooduna u dhaxayso 20 sanno ilaa 50 jir. Sida aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo dadweynaha caadiga ah.

Natiijadiii ka soo baxday rayi-qaadistaa dadweyne ee lagu waydiiyey saddexda qodob 1500 ee qof waxay u dhacday sidan:

Su’aasha ku saabsanayd xisbiga ku guulasan doona doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo golaha deegaanka ee ay ku loolami doonaan saddexda xisbi KULMIYE, UCUD iyo UDUB, ayaa 1500 ee qof ee codadkooda la waydiiyey, waxay noqotay natiijadoodii guud ee rayi-qaadista 1500 ee qof ee lixda gobol waa sidan:

Xisbiga UDUB, waxa uu helay, 497 cod oo u dhiganta 33.13%.

Xisbiga KUMIYE, waxa uu helay 508 cod, una dhiganta 33.87%

Xisbiga UCID, waxa uu helay 303 cod una dhiganta 20.33%,

halka 190 qof oo u dhiganta 12.67% umay coddaynin saddexda xisbi midna, sidaas darteed rayi-qaadistan waxa ay muujisay in xisbioga mucaaridka ah ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashooyinka soo socda, isaga 11 cod kaga horreeyey xisbiga talada haya ee UDUB.

Su’aasha labaad oo ahayd in saaxadda doorashooyinka kusoo biiraan ururro cusub oo saddexda xisbi qaran kula tartama doorashooyinka soo socda iyo in ay xisbiyada hadda jiraa kali ku ahaadaan tartanka doorashada, ayaa dadka rayigooda la waydiiyey 855 qof oo u dhiganta 57% waxay taageereen in ururro cusub ku soo biiraan saaxadda siyaasadda, 692 qof oo u dhiganta 46.13% waxay ayideen in saddexda xisbi ee hadda jira kali ku ahaadaan saaxadda doorashooyinka.

Su’aasha saddexaad oo ahayd in saddexda Guddoomiye ee saddexda xisbi qaran kuna tartamay doorashadii hore ee madaxtooyada in mar kale doorashada soo socota kaligood loo soo sharaxo iyo in xisbiyada dhexdooda ka soo baxaan siyaasiyiin cusub oo kula tartama doorashada madaxtooyada ee innagu soo fool leh, ayaa dadkii rayigooda la waydiiyey 808 qof waxay u coddeeyeen in musharaxiin cusubi soo baxaan oo fursad u hela in ay hoggaaminta dalka kula tartamaan saddexda Guddoomiye xisbi ee hadda jira, 692 qofna waxay taageereen in tartanka doorashooyinka madaxtooyada soo socda loo daayo oo aanay ciddi kula loolamin saddexda Guddoomiye ee hadda hoggaamiya axsaabta qaranka.

Xafladda HCTV ku soo bandhigay rayi-qaadista dadweyne ee uu sameeyey oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ka ka hadlay masuuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka iyo urur-siyaasadeedka QARAN.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wejigiisaka muuqatay dhoolacadayn iyo farxad, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada rayi-qaadista guusha doorashooyinka oo uu kaalinta koowaad helay xisbigiisa KULMIYE, ayaa isaga oo cabirayey dareenkiisa natiijada cod-qaadista waxa uu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay tallaabadan oo ah mid inoo soo korodhay, waxaanan qabaa haddii mar kale lagu celin lahaa in sida ay tahay wax badani iska beddeli lahaayeen oo ay noosii kordhi lahayd. Nuxurkeeduna wuxuu ahaa in taageerada ugu badan KULMIYE haysto.”

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay in siyaasiyiin cusub la tartamaan guddoomiyeyaasha axsaabta iyo arrinta furashada ururro siyaasadeed, gaar ahaan qaddiyadda ururka QARAN, waxaannu sheegay in haddii KULMIYE ku guulaysto talada dalka ay si mugle u eegi doonaan arrinta furashada ururro-siyaasadeed, isaga oo arrimaha faahfaahinayana waxa uu yidhi; “Tan ah odayaasha ha la beddelo [Rayaale, Faysal iyo Axmed Siilaanyo], waxaan odhan lahaa horta kolayba dadka rayi-qaadista laga qaaday waxay u badnaayeen dhallinyaro. Nin Professor ah ayaa waxa uu yidhi nin dhallinyaro ah oo jaamacad ku jira, oo aan isbeddel doonaynin layaab ayuu leeyahay, professor madaxu caddaaday oo gabboobayna, oo isbeddel doonayaana layaab ayuu leeyahay, macnihii waxa weeye waa dabiici markaad dhallinyaro fareesh ah oo jaamaci ah tahay in aad jeceshay in wax waliba isbeddelaan, innagu waxa Geeska Afrika ka dhacaya waynu aragnaayoo, waxaynu ku faanaynaa nabadgalyo degenaansho iyo xasilooni, markaa waxaan is leeyahay waxaynu u baahanahay odaynimo, inoo ilaaliya waxaas, oday aniga oo kele ah oo xasiloonida iyo degnaansha ilaaliya, ayaad u baahan tihiin.

Ururka QARAN xisbi ahaan iyo qof ahaanba waxaannu ka taaganahay mawqif cad oo aan mugdi ku jirin oo xalaal ah, ragga masuuliyiinta ah ee madaxda QARAN, mar walba waanu ku celinaynaa intay xidhan yihiin oo waxaannu leenaha xaq-darro ayey ku xidhan yihiin, dulmi ayey ku xidhan yihiin, gar-darro ayey ku xidhan yihiin ummadda, dadka, dalka iyo taariikhdaba kama istaahilaan inay maanta xabsi ku jiraan, iska dhaaf dawladda iyo maamulka aynu la joognee, qarankeena oo dhan bay ceeb ku tahay. Xorriyatal-qawlka ay ku baaqayeen iyo xaqa ay u leeyihiin inay urur furtaan iyana si cad ayaanu u taageernaynaa,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

“Maamulka maanta dalkeena ka dhisani waxyaabo badan iyo caqabado badan ayuu hordhigaa geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka,” ayuu intaa raaciyey Axmed-Siilaanyo

Waxa kale uu xusay in ay xukuumadda ku taageersan yihiin danta guud iyo maslaxadda caamka ah ee Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna munaasibadda ka hadlay, ayaa isaga oo tilmaamaya natiijada ay ka kala heleen saddexa xisbi ray-qaadista, waxa uu si yididiilo ku jirto u yidhi; “Horta rayi-qaadistani waxa ay la mid tahay geelii Hagoogane loo bixiyey ee la yidhi ninna wuxuu la hagoognaa kibir, ninna ciil, markaa maanta natiijana ciddina kumay farxin, qoladii lahayd si weyn baynu u guulaysanynaa oo reer hebel iyo hebelba way noo yimaadeen in yar ayey ku baxsadeen oo codka ku heleen, UDUB oo isna lahaa maya aniga ayaa ku soo noqanayna waa laga adkaaday, annaga oo lahayn jiil baa loo beddiliyoo hoggaan cusub baa loo baahan yahay, waa naloogu hoosaysiiyey.”

Isaga oo si gaar ah u tilmaamayey xisbiga KULMIYE oo saadaasha natiijadu sheegtay inuu ku guuleysan doono doorashooyinka soo socda, ayaa u soo jeediyey in aan natiijadani ahayn tii rasmiga ahayd, sidaas dareedna aanay is-maacshsiin inay heleen guushii doorashooyinka soo socda, una dabaaldegin.

Guddoomiye Faysal oo si gaar ah tafsiir uga bixinayey qaabka rayi-qaadistani ku salaysan tahay, waxa uu yidhi; “Halkan mid aad u fiican baa ka soo baxday, oo noqonaysana ta u dambaysa ee lagu kala baxayo, dadku waxay ugu codaynayaan UDUB nabad, nabad aan caano lahayna waa lagu laab-dilaacaa, KULMIYE-na waxa la yidhi waxa loogu codaynayaa waa Mujaahid, mujaahid isna socon waayey calaamtul-su’aal baa saaran, laakiin UCID dadkii u footaynayey waxay yaqaaneen qaddiyadda ay ugu codaynayaan, marka sidaa loo fikirina guushu waxay raacday xisbiga qaddiyadda loogu coddeeyey, waanna UCID.”

Xuseen Cali Xirsi oo u hadlayey xisbiga UDUB ee talada dalka haya, oo isaguna ku hadlayey aragtidiisa rayi-qaadistan, waxa uu yidhi; “Doorashana way iman doontaa, diwaangelina way dhici doontaa, xisbigii doorashada ku soo baxana sacabka ayeynu u tumi doonaa, ee kolba kii Ilaahay inoo dooro ee meesha fuulo halagu taageero.

Waxa iyaguna musaanibaddaa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan guddiga ku meel gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka QARAN, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ururka QARAN u hadlay, ayaa sheegay in natiijada saadaasha ah ee rayi-qaadistani tahay mid xaqiiqada u dhaw, isaga oo arrintaa ka hadlayna waxa uu yidhi; “Ta ugu muhiimsan ee halkan iiga soo baxday waxa weeyaan tahay natiijadani ay tahay mid xaqiiqada ku dhaw, ninka siyaasiga ahi maaha in uu xaqiro ummaddiisa oo maskaxda ka xado, talada aan siinaayaan waxa weeyaan in aanay xaqirin dadweynahooga.

Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyey ayaa ku tilmaamay soo bandhiggida rayi-qaadistan in aanay Komishan ahaan khusayn, balse uu u dhaafayna daafayo xisbiyada ay khusayso, waxaannu xusay.

Xigasho: Jamhuuriya


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008