Siyaasiyiinta Ururka QARAN oo weli xabsiga ku jira
Siyaasiyiinta ururka QARAN ayaa wali u xidhan arrimo siyaaseed dawladda Somaliland, iyaga oo xabsiga loo taxaabay 28 July, 2007.Siyaasiyiintan ayaa ciidamada Boolisku guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo ee dabayaaaqadii bishii July 2007. Waxayna kala yihiin Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid.Dhamaan raggaas la xidhay waxay ka mid ahaayeen ururkii xaq u dirirka ahaa ee Somaliland ka xoreeyay taliskii Siyaad Barre. Maxamed Xaashi Cilmi isagu wuxuu ka mid ahaa asaaseyaashii goobjoogga ka ahaa ku dhawaaqista ururka SNM.Waxa laysku raacay inaanuu jirin dembi xubnahaasi ka galeen dalka ama carqaladayn ay ku hayeen nabadgelyada, qodobadaas oo dawladu u cuskatay xadhigooda. Xubnahaas xidhan ee ururka QARAN waxay ku doodayeen in ururkooda loo oggolaado xaqa uu u leeyahay inuu isu diiwaangeliyo urur siyaasi sida dastuurka ku cad.Ergo dhexdhexaadin ah oo ka koobnayd abwaano iyo waxgarad kale ayaa ka hawlgalay sidii khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan loo soo afjari lahaa. Kulano dhexdhexaadin ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada ayuu Madaxweyne Riyaale ku ballanqaaday in la soo dayn doono madaxda ururka QARAN, hase yeeshee markii ergadu soo gebagebaysay dhexdhexaadintaas laguna tilmaamay guul in laga gaadhay dhinacyada oo dhamina ay qaranka tanaasul u sameeyeen ayaa muddo yar ka dib Madaxweyne Riyaale beeneeyay inuu oggolaaday in madaxda QARAN la sii daayo. Hase yeeshee waxa uu ku adkaystay in xadhigga siyaasiyiinta QARAN ay tahay “hawl u taalla hay’adda garsoorka/maxkamadaha”, haddii ay doonayaan in xabsiga laga sii daayana ay cafis soo waydiistaan isaga.Mawifka ururka QARAN ayaa ah inaanay marnaba ku xadgubaynin mar hore mar dambeba sharuucda dalka u yaalla, siyaasiyiintooda xidhanina aanay wax dembi ah gelin, xadhigooduna uu yahay mid siyaasadaysan, sidaa darteedna cafiska madaxweynuhu sheegay uu ka dhigayo dembiileyaal cafis loo fididyay, taasoo aanay diyaar u ahayn inay aqbalaan.Faahfaahin ku saabsan ururka QARAN waxaad ka heli kartaa websiteka ururka: http://www.qaransomaliland.com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)