Faysal Cali Waraabe oo ka noqday xubintii uu u soo magacaabay Guddida Diiwaangelinta codbixiyaasha
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyey inuu beddelay xubintii uu xisbigiisu u soo magacaabay Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee dhowaan la magacaabay.
Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo 2 xubnood ah, Komishanka Doorashooyinka oo 2 xubnood ah iyo saddexda xisbi oo midkiiba xubin soo magacaabay, waxa la dhammaystiray toddobaadkii hore markii xisbiyada iyo komishanku wada saxeexeen heshiis dib loogu dhigayo doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada si wakhti loogu helo diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Hase yeeshee, waxa soo baxday in Madaxweyne Riyaale shaqada ka joojiyey laba xubnood oo ka socdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo loo soo magacaabay guddida Diiwaangelinta.
Madaxweyne Riyaale, waxa la sheegay in uu diidey qaabka loo dhisay guddidaas oo uu sheegay in aanay cidi kaga jirin beelaha darafyada.
Inkasta Faysal Cali Waraabe uu sheegay in xubintii uu soo magacaabay uu ka cudurdaartay xubinnimada Guddida, isaga oo sheegya inuu yahay nin ganacsade ah, haddana waxa la filayaa in beddelista xubintiisu ay ku xidhiidhsan tahay diidmada madaxweyne Riyaale saluugey guddida iyo qorshaha uu doonayo in uu ku soo daro guddida, madaxna uga dhigo xubin ka soo jeedda beelaha darafyada.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde