Komishanka Doorashooyinka Oo Madal Markhaati Leh Ku Kala Saxeexday Heshiis Ay Ka Gaadheen Wakhtiga Doorashooyinka Iyo Diiwaangelinta

Hargeysa (Somaliland.org) – Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa caawa ku wada saxeexday xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa heshiis 4 qodob ah oo ay ka gaadheen wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba muddada lagu dhammaystirayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Xafladdaas oo ay ka qaybgaleen Madaxweynekuxigeenka Somaliland, Madax-dhaqameedyo, culima-u diin, waxgarad kala duwan, xubno ka tirsan Shirguddoonnada labada gole ee Baarlamaanka, Wakiilka Dowladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa iyo masuuliyiin kale, waxa lagu soo bandhigay, isla markaana qalinka lagu duugey heshiis Afar qodob ah oo dhowaan ay isla gaadheen komishanka iyo Saddexda xisbi Qaran.

Heshiiska oo uu halkaas ka akhriyey Agaasimaha Komishanka Doorashooyinku, waxa ay qodobadiisu u dhigan yihiin sidan:-

  1. In Diiwaangelinta lagu dhammeeyo 10ka June 2008
  2. In doorashada Deegaanka la qabto 01da July 2008
  3. In Doorashada Madaxtooyada la qabto 31ka August 2008
  4. In wixii inaga horyimaadda ee khuseeya hawlaha kor ku xusan lagu dhammeeyo wadatashi.

Heshiiskaas waxa labada xisbi ee mucaaridka ah u saxeexay labada Guddoomiye, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, halka xisbiga talada haya ee UDUBna uu u saxeexay Xoghayaha Guud, Maxamed Ismaaciil Bullaale. Komishanka Doorashooyinka ayaa isagana waxa u saxeexay Guddoomiyaha, mudane Maxamed Yuusuf, iyada oo ay xafladdaas goob joog ka ahaayeen xubnaha kale ee Komishanku.

Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo munaasibaddaas ka hadlay ayaa duray heshiiska, iyada oo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYEna uu dhaabad iyo afeef ka dhigtay in xukuumaddu ka baxdo heshiiskaas.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Madaxweyne Ku Xigeenka, Mudane Siilaanyo iyo Mudane Mudane Yuusuf
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Madaxda ka soo qaygashay shirkaas
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Somaliland
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Guddoomiyaha Komishanka oo xafladdaas ka hadlay
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo saxeexaya heshiiska
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mudane Siilaanyo oo saxeexaya heshiiska
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Mudane Faysal Cali Faarax oo saxeexaya heshiiska
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Marti ka soo qayb gashay xafladda heshiiska ee dib loogu dhigay doorashooyinka
xafladda saxeexa heshiiska doorashooyinka

Xoghayaha UDUB oo saxeexaya heshiiska

TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008