Archive for November, 2005

Golaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Doortay Shir Guddoon Cusub: C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Cabdicasiis Samaale, Baashe Maxamuud Faarax

Tuesday, November 29th, 2005 Comments Off

Hargeisa (Somaliland.org) Kal fadhigii 1-aad ee Golaha wakiiladda oo maanta ka qabsoomay Hoolka Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa ayaa waxay 48 xildhibaan ee Labada Xisbi KULMIYE iyo UCID ku doorteen Guddoomiye iyo labadiisa Guddoomiye ku xigeen, kal fadhigani oo 33-ka xildhibaan iyo xubin ka tirsanayd Xisbiga UCID oo hore looga saaray xisbigaasi ka dareereen ka [...]

Feedh, Dhirbaaxo, Buuq Iyo Qallaase Saameeyey Maanta Kal Fadhigii 1-Aad Ee Golaha Wakiiladda Iyo Jawiga Guud

Tuesday, November 29th, 2005 Comments Off

Hargeisa ( Somaliland.org) Saaka Subaxnimadii hore ayaan u jarmaaday inaan ka hawl galo Xarunta Golaha Guurtida oo ahayd halkii uu ka qabsoomaaayey maanta Kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiiladda, abaaro 8:00 Subaxnimo ayaan soo gaadhay Guriga uu shirku ka qabsoomaayey oo aan sidaasi uga sii durugsanayn Xarunta Guriga Madaxtooyada, durtaba waxaa indhaygu qabanayeen Raxan Dad ah [...]

Xisbiga Udub Iyo Musharaxa Ay Usoo Bandhigeen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Thursday, November 24th, 2005 Comments Off

Hargeisa ( Somaliland.org) Waxaa Shallay Shir ka dhacay Xarunta Xisbiga UDUB ahna Gurigii uu hore ugu degena Madaxweynaha hadda Tallada Somaliland Haya Daahir Rayaale Kaahin waagii uu Madaxweyne ku xigeenka ahaa, lagu soo bandhigay Shakhsiyad ay Xisbigaasi usoo bandhigeen inuu u tartamo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Xisbiga UDUB, 33 Xildhibaan ee Xisbiga UDUB uga soo [...]

War-saxafadeed Ay Si Wada Jir Ah Usoo Saareen KULMIYE Iyo Ucid

Saturday, November 19th, 2005 Comments Off

Hargeisa ( Somaliland.org) Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa waxay dhawaan soo saareen Nuxur War-saxaafadeed oo ay ku kala saxeexanaayeen Labada Afhayeen ee labada Xisbi, Mujaahid Maxamed Kaahin oo ah Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ah Afhayeenka Xisbiga UCID, waxay Bayaankani si weyn ugu dhaliileen Siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee ku sallaysan [...]

Qodobadii Ay Saxeexeen Xildhibaanada Mucaaridku Shallay

Thursday, November 10th, 2005 Comments Off

QODOBADII AY SAXEEXEEN XILDHIBAANADA MUCAARIDKU SHALLAY Hargeisa (Somaliland.org) Waxaa Maalintii Shallaytoole ahayd lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen 45 Xildhibaan oo ka kala socday labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID, iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, [...]

Xildhibaanada Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaridka Oo Maanta Saxeexay Heshiiskii Labada Xisbi Mucaaridka Ahi Ku Wada Gaadheen Wadaaga Shir Gud

Wednesday, November 9th, 2005 Comments Off

Hargeisa ( Somaliland.org) Waxaa Maanta Hotelka Ambassador lagu qabtay Shir weyne balaadhan oo ay ka soo qayb galeen badiba Xildhibaanada Labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID uga soo baxay Doorashadii dalka ka qabsoontay 29 September iyo Hogaamiyayaasha Labada Xisbi Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga [...]