Komishanka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashooyinka Wakiilada
Komishanka Doorashooyinka Ayaa Saaka Si Ku-meel-gaadh ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Tartanka Golaha Wakiilada Somaliland ee Dalka Ka Dhacday 29-kii September, 2005
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 15 October, 2005
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka 7:30 subaxnimo ee wakhtiga Hargeysa ku dhawaaqay natiijada Gobolka Hargeysa iyo guud ahaan natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha Wakiillada dalka oo dhan; kadib markii ilaa xalay saqdii dhex la sugayey, dhawr jeerna ay dib u dhacday.
Natiijada Gobolka Hargeysa oo iyadu ah tii ugu dambeysey dalka oo dhan, waxa lagaga dhawaaqay saaka xafiiska Guddoomiyaha Komishanka, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiillada Saddexda xisbi.
Sida Loo Kala Helay 82-ka Kursi Ee Baarlamaanka
Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxu ku dhawaaqay Tirada Guud ee Saddexda xisbi ay ka kala heleen 82ka kursi ee Golaha Wakiillada ee loo tartamayey; taas oo Komishanku u gudbindoonno Maxkamadda Sare ee Qaranka si uu u soo saaro natiijada kama dambaysta ah ee Doorashada Golaha Wakiillada. Waana sidan sida loo kala helay:
| Xisbiga | Kuraasta | Saamiga |
| UCID | 21 | 26% |
| KULMIYE | 28 | 34% |
| UDUB | 33 | 40% |
| Mucaaridka | Kuraasta | Saamiga Mucaaridka |
| KULMIYE + UCID | 49 | 60% |
Natiijada Gobolka Hargeysa
Waxayna Saddexda xisbi ugu kala guuleysteen kuraasta loo tartamayey Gobolka Hargeysa oo ah 20 Kursi, sidan: Xisbiga KULMIYE oo ku guuleystey 8 kursi, halka labada xisbi ee UCID iyo UDUB-na ay heleen midkiiba 6 kursi.
Tirada Guud ee ka codaysay Hargeysa waxay tahay 256,341; waxa xumaaday 2750, waxana ansaxay 253,591 cod, taas oo uu xisbiga KULMIYE ka helay 95,854 cod, xisbiga UDUBna 81,847 cod, halka xisbiga UCID-na uu helay 75,890.
20Ka Musharrax ee ku guuleystey kuraasta Baarlamaanka ee Gobolka Hargeysa waxay kala yihiih:
XISBIGA UCID:
| Kaalinta | Xildhibaanka | Codadka |
| 1 | Khadar Aadan Xuseen | 9251 |
| 2 | Ibraahim Mahdi Buubaa | 7680 |
| 3 | Cabdiraxmaan Cismaan Cali Shirwac | 6937 |
| 4 | Bashiir Sh. Xuseen Tukaale | 6818 |
| 5 | Xaashi Xuseen Caabi Xaashi | 6306 |
| 6 | Maxamed Baaruud Shire Qamac | 6015 |
XISBIGA KULMIYE:
| Kaalinta | Xildhibaanka | Codadka |
| 1 | Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) | 8584 |
| 2 | Dr. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) | 7412 |
| 3 | Cabdulcasiis Maxamed Samaale | 6330 |
| 4 | Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe | 6171 |
| 5 | Ibraahim Axmed Haybe Sh. Muuse | 6023 |
| 6 | Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi | 5108 |
| 7 | Maxamuud Axmed Obsiiye Gaboobe | 5095 |
| 8 | Dr. Cali Yuusuf Axmed Jaamac | 4951 |
XISBIGA UDUB:
| Kaalinta | Xildhibaanka | Codadka |
| 1 | Xasan Cawaale Caynaan | 7854 |
| 2 | Cabdikariim Aw Cali Shabeel | 6237 |
| 3 | Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gebiley) | 5680 |
| 4 | Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde | 5139 |
| 5 | Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac | 5058 |
| 6 | Aadan Muxumad Hoorri (Mataan) | 44 |
Natiijada Gobolka Hargeysa oo ahayd tii ugu dambaysay ee Komishanku ku dhawaaqo waxay soo gebagebaynaysaa Doorashada Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday 29-kii bisha September.
Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur